Muqdisho(Xogsoornews.com):- Cabdiraxmaan waxa uu ka mid yahay tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo daayay xabsiyada Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay.
Wuxuu BBC-da uga warramay rafaadka iyo dhibaatadii uu ku maray intii uu Liibiya joogay.
Maxamed ayaa sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya.
“Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsady, mar la iga bixiyay $5,500, mar la iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la iga bixiyay” ayuu yidhi Maxamed
Tahriibayasha ayaa doonaya in ay Liibiya uga sii gudbaan dalalka Yurub.
Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.
Dalka Liibiya waxaa ku xidhan ama tahriib sugayaal ah boqolaal Soomaali ah oo doonaya in ay dalkaasi uga sii gudbaan dhanka Talyaaniga.
Dadkan xidhan waxay isugu jiraan kuwa xabsiyada dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan.
Maxamed ayaa xusay in ciaqaab kala duwan la marsiiyo muhaajiriinta la afduubay.
“Ciqaantu way kala duwan tahay. Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa,xerooyiin usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynayo” ayuu intaa ku daray Maxamed.
Baxsashadii Maxamed
Mohammed Abdirahman Mohamud ayaa sheegay inuu kooxdii u dambeysay ee afduubka u haysatay uu si lama filan ah uga soo baxsaday.
“Markii salaad subax la tukaday intaan iska dhigay wax suulida aadaya ayaan aayar albaabka iska furay dabeedna gidaar dheer ayaan ka booday” ayuu yidhi Maxamed.
Maxamed ayaa sheegay in markii uu gidaarka ka booday uu suuxsanaa muddo 20 daqiiqo ah balse waxaasi oo dhan ay uga darnaayeen in dib ugu laabto gacanta kooxdii haysatay.
“Markii dambe waxaan is idhi xanuunkan lagaaga daran, aniga oo si daciifnimo ah ku kacaya oo gidaarada cuskanaya ayaan is idhi sidan haddii laguugu soo gaadho xaaladaada way cuslaanaysaa”ayuu yidhi
Ka dib markii uu sii lugayanay muddo laba saacadood ah ayuu gaadhay magaalo yar halkaa oo uu masaajid ku yaalla ku noolaa muddo lix cisho ah.
Waxaa dabadeedna u suuragashay inuu Tripoli gaadho halkaas oo uu la xiidhiidhay safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in aanu mar dambe tahriib ku laaban doonin, balse uu rejaynayo inuu fursado shaqo ka helo dalkiisa, dibna ugu laabto waxbarashadii uu markii hore ka tagay
Xogsoormedia24@gmail.com
Hargeisa Somaliland