Hargeysa(Xogsoornews.com)-Guddida heer qaran ee la-tacaalidda xakamaynta cudurka Covid19 ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in wadamo kamid ah caalamka, gaar ahaan qaarada Afrika lagu arkay nooc cusub oo kamida cudurka halista ah ee Covid19, kaasoo si dhakhso ah u faafaya.
Guddida ayaa bulshada Somaliland ku boorriyey inay u hoggaansamaan tilmaamaha caafimaad ee ka hortagga cudurkaas iyo inay qaataan tallaalka lagaga hortegayo dhibaatadiisa.
Sidaasina waxa sheegay Xoghayaha guddidaasi Eng Xuseen Aadan Cige (Xuseen-dayr) oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa “Xannuunkani waa mid maalinba maalinta ka dambeysa wajiyo cusub adduunka ula soo baxaya, waana markii afraad ee uu isbedelo” – ” iminka 24-kii bishan November, dalka Koonfur Afrika waxa laga helay nooc cusub oo xanuunka ah oo ka duwan kuwii hore oo xataa dadka labada jeer tallaalan ku dhacaya ama labadii qof ee tallaalnaa ay isu gudbinayaan, si deg deg ah ayuuna u fidayaa noocan cusub oo ay Hay’adda caafimaadka adduunku ku magacowday Omicron”ayuu yidhi Xoghaye Xuseen Deyr.
Isagoo hadalka sii wata waxa uu farriin u diray bulshada, isagoo tilmaamay inay guddi ahaan dardar gelinayaan hawlaha xakamaynta cudurkaasi “markaa umadda Somaliland waxaan halkan uga gudbinayaa inay u hoggaansamaan farriimaha caafimaadka ee ay Wasaaradda Caafimaadku u dirayso ee ah in la kala fogaado, in faraxalka la la joogteeyo iyo farriimaha kale ee sanad badhkii u dambeeyey lagu soo celcelinayey.
annaga guddi ahaan waxaa naga go’an in aanu dardar gelino wacyigelintii cudurka oo aanu ballaadhin doono. waxa kale oo aanu bulshada ku adkaynaynaa inay qaataan tallaalka cudurka oo qof waliba uu qaato tallaalka haddii aanu hore isu talaalin”
Xoghayaha ayaa sheegay in cudurkan badbaadaddiisu ku xidhantahay u hoggaansanaanta tilmaamaha caafimaadka ee ay dawladdu dejisay.
waxaanu yidhi”Xannuunkani waa mid dhibaato badan ku haya nololsha adduunka oo dhan, ALLE ,ayaa baa badbaado hayee, umaddiba umadda ay uga dhego nugushahay qaadasha tilmaamaha caafimaadka ee ay xukuumadduhu kaga wacyigelinayaan bulshada isu gudubkiisa, ayey ka badbaado badan tahay”
Haddaba halkan a daawo Farriinta uu bulsahda Somaliland uu u diray Xoghayaha Guud ee gudida ka hortagga Covid 19 Eng Xuseen Aadan Cige(Xuseen Deyr)
Xogsoormedia24@gmail.com
Hargeisa Somaliland