Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland oo Si Weyn Gudaha Dekeda ugu soo Dhaweeyay Wefti Heer Sare ah oo Drs Edna Hoggaaminaysay

0
330

Hargeysa(Xogsoornewscom)-Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Md Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa si weyn gudaha Dekeda Berbera ugu soo dhoweeyey Wafti heer-sare ah oo ay hoggaaminayso Drs. Adna AADAN Ismaacil.

Waftiga ay hoggaaminayso Marwo Adna Aadan Ismaacil oo ah Gudoomiyaha Citiraaf-raadinta Somaliland ayaa isaggu jiray qareeno caalami ah, kuwasoo u dooda Xuquuqda waddaamada aan weli la aqoonsan.
Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu waftiga warbixino ka siiyey Horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatay Dekeda caalamiga ah ee Berbera.
Sidoo kale, Waxa uu Maareeyuhuu kusoo wareejiyey qaybaha kala duwan ee Dekeda Berbera tii hore iyo weliba tan Cusub xubnaha waftiga, waxana uu goob-goob u dul istaajiyey qaybaha ay u shaqayso.
Drs. Adna Aadan iyo waftiga sare ee ay hoggaaminayso, ayaa si weyn ugu Indho-daraan-daray Horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatay mudadii koobnayd ee ay Dekeda wada maamulayeen Xukumadda Somaliland iyo Shirkada Dp World.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here