Waraysgii ugu Horreeyay ee Mukhtaar Roobow Laga Qaaday iyo Farriinta uu Diray isagoo Maxbuus ah

0
379

Muqdisho(Xogsoornews.com):-  Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo  sannadkii 2018-kii isagoo musharax Madaxweynne uga tartamaya maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Xoog lagu soo qabtay isla markaan illaa imika u xidhan dawladda Soomaaliya ee wakhtigeedu dhamaaday,ayaa farriin u diray bulshada Soomaaliya xildhibaanada la soo dooran doono dhawaan ee soo dooran doona Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaanu si gaar ah farriin ugu diray xildhibaanada ka soo jeeda gobolada By iyo Bakool oo uu ku dardaaray xildhibaanda goboladaa u soo baxaa in ay ka hor istaagaan in mar kale la soo doorto Madaxweynaha Soomaaliya ee hadda Maxamed Cabdiaahi Farmaajo.

Waxaanu si adag uga hadlay xadhigiisa oo uu sheegay in uu ahaa afduub iyo qafaalasho dhimacyo badani iska kaashadeen.

Waxaa kale oo uu ka hadlay hadalo dhex maray isaga iyo Fahad Yaasiin oo uu tilmaamay in uu isagu qayb wayn ka ahaa xadhhigiisa.

Waraysiga Roobow oo ku soo beegmay xilli kala guur ah oo dawladda Soomaaliya ay doorasho gelayso isla markaana la soo dooranayo xildhibaanadii dooran lahaa Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya ayay farriinta Roobow noqon kartaa mid wax ka bedesha siyaasadda doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya isla markaana haddii hadalkiisu saamayn ku yeesho xildhibaanada labada gobol ee Bay iyo Bakool ee uu dardaaray in ay u gunti xidhaan bedelka Farmaajo.

 

Haddaba waraysiga laga qaaday Roobow oo maxbuus ah iyo farriinta uu diray ba halkan ka dhegayso

 

 

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Ofice

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here