Liverpool oo Gurigooga ka oohisay Man United iyo Taageereyaasheeda kuna Carraabisay 5-0

0
488

(Manchester):-Liverpool ayaa guuldarro xanuun badan dhabarka u saartay kooxda Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford, kana wada oohisay Manchester iyo taageerayaasheedii garoonka ku sugnaa b aka dib markii ay 5-0 ku geba gebaysay ciyaar aad u xiiso badbayd oo taageereyaasha Liverpool ay farxad la damaashaadayeen halka kuwa  Manchester United ay sugu kari waayeen inta Ciyaartu dhammaanayso oo ay garoonka iskaga bexeen qaybtii labaad ee ciyaarta oo socota.

 

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-4 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Liverpool.

Daqiiqadii daqiiqadii 8-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Naby Keïta, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mohamed Salah.

14 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Diogo Jota oo caawin ka helay laacibka reer England ee Alexander-Arnold ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku horkaceysay Liverpool.

Mohamed Salah ayaa daqiiqadii 38-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool, kaddib markii ay caawin kaga timid Naby Keïta.

45 + 5 Mohamed Salah oo markan caawin ka helay saaxiibkiis Diogo Jota ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-4 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta ahna goolkii shanaad ee kooxda Liverpool kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Henderson.

Manchester United oo kulankan aad looga awood badnaa ayaa daqiiqadii 60-aad waxay noqotay 10 xiddig kaddib markii uu kaarka roosaha qaatay laacibkooda khadka dhexe ee Paul Pogba.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-5 ay kaga soo adkaatay Liverpool kooxda Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford, Reds ayaa kaddib guushan weyn ay gaartay waxay kala baxday booska labaad ee kala sarreynta Premier League naadiga Manchester City.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here