Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Dadkii Laascaanood Laga Raafay

0
323

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay hay.adda Qaramada Midoobay ee  Midoobay ee OCHA. Oo ka hadashay dadkii laga raafay Laascaanood

“Aniga waxaan la hadlayaa hay’ada qaramamada ee OCHA oo aad uga hadashay, waxaana filayaa inaanay dadkani ay dan u hayn oo aanay waxba u qabanaynin. Dadkaan waxay halkaan yimaadeen iyagoon waxba haysan oo ceyr ah oo ka yimid Baydhabo iyo meelo ka fog 30 sano ka hor, maalin qur ahna koob biyo may siin, maalina qura bac may siinin, maalin qura kaniin ay kaneecada isaga ilaaliyaan may siinin marka 30-kaas sano maxay u qabteen” ayuu yidhi madaxweyne Muuse

Mar uu ka jawaabayay eedaymo Somaliland uga yimi gobolo ka mid.ah Soomaaliya.ayuu yidhi.

“Gobollada kale ee ka hadlayo ee dhahaya waan soo dhaweyneynaa, waxaan leeyahay 30 sannadood ayay joogeen dadkaan mana jiro qof qura oo ree Soomaali Galbeed ah oo lagu dilay Somaliland mana jiro qof qura oo la dulmiyay oo hanti uu leeyahay laga dhacay oo la hagar-daameeyay. Puntland oo aad gurbaanka ugu tumeeysay maalin qudha ayay 17.”

Xogsoormedia24@gamil.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here