Hargeysa(Cogsoorneed.com):- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,ayaa madaxda ciidanka booliska ugu baaqay in ay sharciga hortiisa keenaan oo ay soo qabtaan isla markaaana sharcigu tallaabo ka qaado sarkaal ka tirsan ciidanka booliska caasimadda Hargeysa gaar ahaan ciidanka nabad gelyada waddooyinka oo inan wariye ah gacan ka hadal u geystay isla markaana dhaawacyo soo gaadhsiiyay xilli ay shaqadeeda suxufinimo gudanaysay.
Guddooomiyaha gudida difaaca iyo illaalinta shuruucda ee Ururka SOlLJA Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo waraysi kooban siiyay Xogsoornews,ayaa iftiimiyay sida ay SOLJA uga xuntahay in wariyeyaasha lagu tacadiyo isla markaana laga hor istaago gudashada waajibaadkooda shaqo.waxaanu intaa raaciyay in ay SOLJA ahaan madaxda ciidanka booliska ugu baaqayaan in sarkaalkaa inanta wariyaha ah waxyeelada soo gaadhsiyay in sharciga la horkeeno.
Waxaanu yidhi “Somaliland wa dal leh dastuur iyo shuruuc waxaana habboon in sharcigu soo qabto oo kiiskiisa dhanka sharciga lagu kala boxo askariga sarkaalka ah ee wariyaha shaqadeedii gudanaysay u gacan qaaday waxyeeladana u geystay.”
Guddoomiye Cabdifataax Mursal oo aanu waydiinay illaa imiika in askariga lasoo qabtay.ayaa xaqiijiyay in aan wali lasoo qaban laakiin ay laamaha ammaanka ka sugayaan in ay soo qabtaan
Guddoomiye Cabdifataax Mursal.ayaa waraysiga kooban ka hor waxaa uu shir jaraa,,id ku qabtay Xarunta guud ee SOLJA.
Haddaba shirkiisa jaraa,id oo dhmmaystiran