Badhasaabkii  hore ee Gobolka Sanaag oo xilka ku wareejiyey ku-xigeenkiisii iyo Guddoomiyihii la Magacaabay oo Wali Maqan

0
290

Ceerigaabo(Xogsoornews.com)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag  Eng. Axmed Cismaan Xasan oo uu bishii September Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi xilka ka qaaday, ayaa ku wareejiyey xilkaasi guddoomiye ku-xigeenkii gobolkaasi Maxamed Khaliif Nuur oo ku simi doona badhasaabka cusub ee loo magacaabay Maxamed Cilmi Xuseen oo safar ugu maqan dalka dibadiisa.

Munaasibada xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Maamulka Gobolka Sanaag, ayaa waxa ka qaybgalay Maayarka Magaalada Ceerigaabo, Isuduweyaasha laamaha dawladda ee gobolkaas,masuuliyiinta Xafiiska Badhasaabka,  Madaxdhaqameedyo, waxgarad  iyo marti-sharaf kale, waxaana ugu horayn halkaasi hadalo ka jeediyey Maayarka Magaalada Ceerigaabo Md. Ismaaciil Xaaji Nuur iyo xubno kamida isuduweyaasha Wasaaraddaha ee Gobolkaasi, kuwaasoo Badhasaabkii hore uga mahad-celiyey sidii hufnayd ee uu ula shaqeeyey mudadii uu Xafiiska joogay.

Masuuliyiintan ayaa dhamaantood iska daba maray in Badhasaabka hore uu ahaa masuul si fiican oo hagrasho la’aan ah uga shaqeeyey gobolka, islamarkaana bulshada Gobolku markhaati ka tahay waxqabadka iyo shaqada uu qabtay, waxaanay qaarkood ku tilmaameen inuu ahaa masuulkii ugu wanaagsanaa ee soo mara gobolka sanadihii la soo dhaafay.

Xubno kamida Madaxdhaqameedka iyo cuqaasha Gobolka Sanaag oo xaflada ka hadlay, ayaa tilmaamay in Guddoomiyaha hore uu ahaa Nin maamul-wanaag iyo masuuliyad lagu majeertay, Guddoomiyaha cusubna ay ka rejaynayaan sidiisa oo kale.

Waxa ay sheegeen in guddoomiyaha hore intii uu joogay gobolka wax badan laga qabtay nabad-gelyada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada, isagoo qayb ka ahaa soo afjarida shaqaaqooyin soo noqnoqday oo gobolkaasi ka dhacay.

Badhasaabkii hore ee xilka wareejiyey Eng. Axmed Cismaan Xasan oo xaflada hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu gobolka ka shaqaynayey, waxaanu tilmaamay inuu xoogga saaray sidii nabad-gelyada gobolka loo xoojin lahaa “Gobolka waxaan imi oo aan xilka la wareegay iyadoo ay 17 Kiis gobolka ka taagan yihiin, waxaan ku ducaystay in alle igu asturo, waanan ku guulaysanay afar Kiis oo wali wax ka sii hadhsan yihiin mooyaane intii kale”ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag.

Waxa uu masuuliyiinta Xafiiska uu wareejiyey, isuduweyaasha wasaaraddaha ee gobolka iyo bulshada reer Sanaag kula dardaarmay inay badhasaabka cusub ee bedelay sidii ay ula shaqayn jireen isaga iyo si ka wanaagsan ula shaqeeyaan, isaguna mar walba maanka iyo maskaxda kala joogi doono.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sanaag, ahna ku-simaha guddoomiyaha gobolkaasi Maxamed Khaliif Nuur oo gebgabadii xaflada ka hadlay, ayaa badhasaabkii hore ku amaanay wada-shaqayntii wanaagsanayd ee ka dhaxaysay,waxaanu tilmaamay inuu ahaa masuul gobolka aad looga jeclaa, balse xilka qaranka uu qori isu dhiib yahay “Axmed wuxuu ahaa nin inta uu dhiniciisa ku soo fadhiisiiyo talowadaag kula yeelanaya oo ku odhanaya maxaynu qabanaa iyo sidaynu yeelnaa, maantana wixii uu ahaa waxa dhameeyey reer Sanaag oo ay reer Ceel-afweyn qadadii kuu sii diyaariyeen”ayuu yidhi Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag oo sidoo kale duco ku sagootiyey masuulka xilka ku wareejiyey.

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Ofice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here