Ina-Af-Madoobe (Dawan) – Mid ka mida odayaasha degaanka Ina-Af-Madoobe (Magaalo-yar), Cabdi Yuusuf Aar (Cabdi Boqon), ayaa sheegay in uu qabyoobay saldhig boolis oo uu dhismihiisa caganta ku hayay, kadib markii lacagtii uu dawladda kaga qandaraasay xilligii ololaha madaxtooyada lagu jiray ee xukuumaddii Siilaanyo, oo dhammayd 11-kun oo dollar la bixiyay wajigii koobaad wax danbena aan laga dabagayn.
Waxaa kale oo uu ka hadlay xarunta Hooyada iyo dhallaanka ee (MCH), oo sannadkii 2000, degaanka ka dhistay hay’adda Hava-yoco, in ay weli xidhan tahay, laba qof oo guno ku qaadan jirayna ay wasaaradda horumarinta caafimaadku ka joojisay.
Sidoo kale waxaa uu intaas raaciyay burbur baahsan oo ka muuqda waddada degaanka Ina-Af-Madoobe oo isku xidha gobollada dalka oo magaalada gudaheeda aad u burbursan.
Ugu danbayn waxaa uu sheegay in heshiiska saldhiga oo siyaasi Cali Mareexaanka oo wakhtiga wasiirka hawlaha guud ee xukuumaddii Siilaanyo ahaa uu la galay oo qadarkeedu ahaa 11-kun oo dollar, in afartii kun ee soo gaadhay ay ku dhiseen wixii ay taraysay intii kalena ay weli dawladda ku maqan tahay.
Waxaanu xukuumadda iyo xisbiyadaba ku eedeeyay in markii ay cod doonayaan oo kaliya ay u yimaadaan, kuna soo xisaabtamaan dibna aanay ugu soo noqon.
Halkan ka Daawo