“Bandhiga Buugaagtu waa daaqad caalamku Somaliland amnigeeda horumarkeeda iyo dhaqankeeda ka dheehdo..” Dr Jaamac M Jaamac
Hargeysa-Hargeysa(XGudoomiyaha Xarunta Dhaqanka Dr Jaamac M Jaamac ayaa sheegay in Bandhiga Caalamiga ee Buugaagta Hargeysa yahay daaqad caalamku Somaliland amaankeeda, horumarkeeda iyo dhaqankeeda ka dheehdo, xidhitaankeedii oo muddo todobaad uu Hargeysa ka socday la soo gebagebeeyey.
Madal qurxoon oo bulsho kun kor u dhaaftay una badnaa dhalinyaro, ka soo xaadireen, kana qeyb ahaayeen madaxda xukuumada, dublamaasiyiin dalka jooga qaarkood, aqoonyahan, waxgarad, abwaano iyo qeybaha kale bulshada ayaa lagu sii sagootiyey martidii dalalka caalamka uga timi ka qeybgalkeeda.
Gudoomiyaha, isla markaana ah aasaasaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa, Dr Jaamac Muuse Jaamac oo madasha ka jeediyey ereyo mahadnaq iyo dardaaran ah xidhitaanka bandhiga oo ah sannadkii 14aad ee si joogto sannad walba loogu qabto ayaa bogaadiyey shirkadahii iyo shaqsiyaadkii sida gaarka ah uga qeybqaatay qabsoomidiisa, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa,
“Sannadkan, in ka badan afar kun iyo shan boqol oo buug ayaa sannadkan bandhiga bulshadii ka soo qeybgashay ay iibsadeen, kaasoo buugii loogu iibsiga badnaa noqday buuga ‘Hawaale Waran’ ee abwaan Maxamed I Hadraawi qoray, halka buuga labaad noqday ‘Foolaad’ ee AHN Maxamed Mooge laga qoray”
Dr Jaamac oo ka hadlayey ujeedada bandhiga sannad walba loo qabto ayaa sheegay in bandhigu yahay daaqad caalamku Somaliland amnigeeda horumarkeeda iyo dhaqankeeda ka dheehdo.”
Dr Jaamac ayaa sheegay in dhalinyarada Somaliland u baahan yihiin in loo diyaariyo goobo taariikhdooda, dhaqankooda ku bartaan, isla markaana fikradahooda ku kala korodhsadaan, kana helaan aqoon korodhsi, isagoo sheegay ummad haddaanay aqoon u lahayn taariikhdoodi hore, ma garan karto halka ay u socoto, waxaanu sidoo kale ka hadlay muhiimada jaarnimmada, oo ahaa mowduuca sannadkan hal-ku-dhiga u ahaa, oo Itoobiya dalka martida sannadkan ee bandhiga ahayd.
Mudadii todobada maalmood ee bandhiga caalamiga ee buugaagtu socday ayaa lagu soo bandhigay buugaag, aqoon-korodhsi, wax-is-weydiin iyo barnaamijyo kale oo bulshadii ka soo qeybgashay xiiseynayeen.