Guddoomiyaha Baanka.dhexe oo Qaaday Tallaabo lagu ilaalinayo Hantida Bulshada

0
368

Hargeysa(Xogsoornews
com):- Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac Baqdaadi.ayaa qaaday tallaabo aad muhiim u ah isla markaana lagu ilmaalinayo hantida muwaadiniinta.
Waxaa jira noodhdh ka mid ah lacagta shillinka Somaliland oo aan imika suuqyada lagu isticmaalin ama aan wax lagu kala iibsan inkastoo ay tahay lacag ka mid ah lacagta Shillinka Somaliland oo sharco ah hadana waxaa suuqyada ka saaray markii ay meesha ka bexeen wixii ay goyn jireen noodhdhka tobanka shilin,labaatanka shilin,kontonka shilin iyo boqolka shilin.
Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland,ayaa bulshada Somaliland ku war geliyay cid kasta oo ka.ka mid ah muwaadiniiinta Somaliland ee haysta lacagta Somaliland ee ka hoosaysa noodhka shanta boqol in ay keenaan baanka dhexe ee Somaliland iyo dhammaan xarumaha baanka dhexe ee gobolada

Tallaabada guddoomiyaha baanka dhexe qaaday ayaa ah mid uu ku ilaaliyay hantida muwaadiniinta isla markaana loogu bedelayo lacagta kor ku xusan ee aan imika u shaqaynayn looguna bedelayo noodhadh somaliland shillin ah oo shaqaynaysa.
Hafdaba war saxaafadeedka guddoomiyaha baanka dhexe halkan ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here