Borama(Xogsoornews.com):-Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa shalay ka daahfuray magaalada Boorama barnaamijka barashada dastuurka iyo waddaniyadda iyo xeerka goleyaasha deegaanka.
Munaasibadda daahfurka oo ay ka qayb galeen Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan,Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro,Maayerka degmada Boorama Maxamed Axmed Warsame iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda xihiidhka goleyaasha,ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay isu duwaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Khayre Dhimbiil, waxaanu tilmaamay in dastuurku uu waxtar weyn u leeyhay bulshada reer Somaliland oo u codeysay sannadkii 2001-dii, isagoo sheegay in barnaamijkani uu ka socon doonto gobolka Awdal muddo afar cisho ah.
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan oo si rasmi ah u daahfuray munaasibadda,ayaa sheegay in marka qofku uu barto shuruucda dalkiisa uu ogaanayo xuquuqdiisa iyo waajibaadka saaran,waxaanu yidhi. “Waxa aan Maanta (shalay) idin la wadaagaynaa Dastuurka Waddaniyadda iyo Xeerarka ka farcama waxaana farxad noo ah in aynu isugu nimaadno Degmada Boorama oo ah bud-dhigii Dawladnimada Somaliland, sidaa daraadeed waxa aynu odhan karnaa halkani waa astaanka Somaliland ee Qaranimadu ka hano qaaday. Dastuurka waxa uu ka yimid axdi qarameedkii oo halkan lagu qoray waana wax lagu faano markaa in aynu ilaashano aad ayaa loogu baahanyahay,”.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin oo isna hadal ka jeediyay munaasibadda daah furka ayaa bulshada ku baraarujiyay in ay bartaan dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcama,waxaanu yidhi. “Waxa aan ammaanayaa Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo kaalin dalka ka bannaanayd buuxinaysa,dhibaatada inna haysataa waxa weeye qofka xaqa lagu leeyahay ma, oga marka aad waajibka aad lahayd ka soo baxdo ayaad xaq u yeelan kartaa in adna waajibkaagii lagu mariyo,”.
Maayerka Boorama Maxamed Axmed Warsame oo isna daahfurka ka hadlay ayaa soo dhaweeyay barnaamijka barashada Dastuurka iyo waddaniyadda oo uu tilmaamay in ay tahay wax aad loogu baahan yahay,waxaanu yidhi.”Waxa aynu isugu nimid Barnaamijka Barashada Wadaniyada ee ay waddo Wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka,waxaanan rejaynayaa Barnaamijkaasi kaalin muhiima in uu ka qaato arimaha muwaadinnimada.”
Haddaba halkan hoose ka daawo muuqaalka daahfurka barnaamijka barashada dastuurka iyo waddaniyadda ee Boorama laga daahfuray.
Xogsoormedia24@gmail.com
Hargeisa Somaliland