Xisbiga UCID oo Eryay Ramaax

0
296

Hargeysa(Xogsoornews.com)Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii Arrimaha gudaha xisbigaasi Maxamud Cali Saleeban Ramax.

Xoghayaha xilka iyo xubinnimada Xisbiga laga eryey, ayaa shalay warbaahinta ka dhaleeceeyey qorshaha isbahaysiga Mucaaridku ku doonayaan Shirguddoonka Golaha Wakiillada, isagoo tilmaamay in aanu Xisbigu isku raacsanayn arrintaasi.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta soo saaray qaraar xil ka qaadis ah oo ku socda masuulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here