Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Guul daradii Doorashada ee Xisbiga Kulmiye Dusha u Saaray Madaxeeyne Biixi

0
367

Hargeysa (Xogsoornees.com)- Siyaasi Maxamuud Xaashi, ayaa ka hadlay natiijada Doorashooyinkii Isku-sidkanaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland ka qabsoontay 31-kii May 2021 iyo Saamayntii ay mandaqadda iyo Caalamkaba ku yeelatay.

Maxamuud Xaashi

Maxamuud Xaashi

Maxamuud Xaashi oo caawa hadal ka jeediyey Dood ay soo qaban-qaabisay Dalladda Sonsaf, waxa uu si qoto-dheer uga faallooday Casharradii laga bartay doorashadaas iyo natiijooyin ka soo baxay oo uu sheegay inay salka ku hayaan bisaylka shacabka.

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay guul-darrada doorashada ka soo gaadhay xisbiga Kulmiye, taas oo uu sheegay inay Cashar wax lagu qaato u tahay Xisbiga iyo hoggaankiisa oo madaxweyne Muuse Biixi u horreeyo.

Waxa uu siyaasigu madaxweynaha Somaliland ku ammaanay hirgelinta iyo bixinta boqolkiiba 75 kharashka ku baxay Doorashooyinka Isku Sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo wakiillada oo uu sheegay inay tahay Guul aan la dafiri karin oo Md Muuse Biixi leeyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here