Riyad(Xogsoornews.com)-Xukuumadda Sucuudiga, ayaa mar kale si cad u sheegtay in aannay sanandkan Muslimiinta dunida ee doonayay in ay soo gutaan waajibaadka Xajka loo oggolayn, iyadoo sabab uga dhigtay xannuunka Caronavirus ee COVID-19.
Xukuumadda Riyaad, waxay ugu baaqday muslimiinta dacalada aduunka in ay dib u dhigaan in ay usoo safraan Xajka sannadkan, balse waxa arrintaa ka dhashay doodo iyo su’aalo ay is weydiinayaan qaar ka mid ah Culmida waaweyn ee geyiga Islaamka iyo shucuubta Muslinka ah.
Qaar ka mid ah Culmida waaweyn ee dalka Nigeria, ayaa ku tilmaamay arrintaa mid muujinay calaamadka qiyaamaha in muslimiintu gudan waayaan waajibaadka Xajka, iyagoo soo daliishaday axaadiis sheegaya in nebi Maxamed nabadelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee (NNKH), isagoo muslimiinta farayin ay muslimiintu gutaan waajibaadka Xajka ka hor inta aanan laga hor istaagin.
Dooodda ugu badan ee arrintan la xidhiidha waxay ka taagan tahay dalka Nigeria oo Muslimiin aad u badan ay ku nool yihiin.
Qaar ka mid ah culimada dalkaa ayaa go’anaka uu Sacuudiga ku mamunuucay xajka ee Coranavirus dartii, ku tilmaamay astaan muujineyso in maalinta qiyaamaha ay soo dhawdahay.