Wasiirka xidhiidhka goleyaasha oo tabobar u soo xidhay ardayda dufcada sadexaad ee barnaamijka shaqo qaran.

0
307

Hargeysa (Xogsoornews.Com)-Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland mudane Maxamed Xaaji Aadan.ayaa tabobar ku saabsan barashada dastuurka u soo gabagabaysay ardayda dufcada sadexaad ee barnaamijka shaqo qaran.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa sheegtay in ardaydaasi ay qaateen casharo la xidhiidha barashada dastuurka Somaliland, kuwaas oo u jeedada wasaaraddu ka leedahay tahay in ardaydaasi ay noqdaan kuwa wax ka fahansan dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala.

Qaar ka mida ardayda dufcada sadexaad ee barnaamijka shaqo qaran ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland iyo macalimiintii tobobarkaas bixinaayayba, waxaanay xuseen in mudadii tabobarkaasi u socday ay ku barteen qodobada uu ka kooban yahay dastuurka Somaliland iyo qaar ka mida xeerarka dalka u yaala.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo tabobarkaas I si rasmi ah ugu soo gabagabeeyay ardayda dufcada 3aad ee barnaamijka shaqo qaran ayaa sheegay in tabobarkaasi ka mid yahay dadaalada wasaaraddu ugu jirto sidii qaybaha kala duwan loo bari lahaa dastuurka Somaliland.

Xogsoormedia24@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here