Hargeysa(Xogsoornews.com):- Wasiirla wasaaradda Waxbarashad iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Toorno.ayaa qaaday tallaabo aad u wanaagsan oo qaranka oo dhan guul u ah ka dib markii uu dhamaan soo saaray go aan dhaxal gal ah oo lagu mideeyay dirayska ardayda Somaliland ee dugsiyada dalka iyo madarasadaha
Waxaa dalka ka jiray kumanaan iyo kumanaan dirays oo kala jaad jaad ah oo bulshada dhibaato dhaqaale ku hayay iska markaana aanay suuragal u ahayn qoysasku in ay awoodaan ubadkooda Melania kala duwan ee waxbarasho dhigta diraysyadooda kala duwan.
Meelaha ugu daran ee dhibaatooyinku ay ka jiraan waxaa ka mid ah marka qoysku ka guuro xaafad uu degenaa waxaa dhib ku ahayd in xaafada ay u gureen ay ubadkoodu wax ka bartaan illaa ay dirays cusub oo ka duwan kuwii hore ay usoo iibiyaan.
Hadaba midaynta dirayska Ardayda ee dugsiyada iyo madarasadaha kala duwan waa Tallaabo guul qaran ah oo uu qaaday kuna guulaystay wasiirka waxbarashada iyo sayniska Somaliland oo taariikhda u gelaysa Luna suntan yahay md wasiir Toronto