Hargeysa (Xogsoornews.com):– Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici) oo safar shaqo ku maraaya gobolada galbeedka Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyay degaanka Gar-gaara Bari ee gobolka Selal iyo degmada Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal.
Madaxweyne xigeenka iyo weftigiisa,ayaa markii ay gaadheen degaanka Gar-gaara Bari oo ka tirsan gobolka Selal iyo degmada Lughaya ee gobolka Awdal waxa uu soo dhawayn kala kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaanadaas.
Gudoomiyaha gobolka Selal Mawliid Maxamed Cumar iyo maayarka degmada Lughaya Cabdilaahi Cali Aw Nuur ayaa sheegay in bulshada ku nool degaanadaas ay diyaar u yihiin ka qayb-qaadashada doorashada dhici doonta 31 May. “In madaxweyne ku xigeenka iyo madaxweynaha Somaliland in maalintii duufaanta Sagar ay ka dhacday degmada Lughaya in ciddii u soo gurmatay ay kow ka ahaayeen, maantana waxaa ay idiinku yimaadeen horumar iyo barwaaqo iyo doorasho ayaa gurmadkeedii loo socdaa”
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi, wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa bulshada goobihii ay socdaalka ay ku marayeen uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameeyeen, waxaanay u soo jeediyeen in ay ololaha iyo doorashooyinkaba uga qayb qaataan si habboon.
Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali oo dadweynaha hadal u jeediyay,ayaa kula dardaarmay in ay nabad gelyada illaaliyaan isla markaana ay codkooda ku doortaan cidda ay dantooda ka arkayaan ee wax u qabanaysa,waxaanu yidhi.“Saddex ujeedo ayaanu u soconaa, waajib Qaran oo na saaran oo ah in dadka loo tago, oo ujeedada loo socdo ee doorashadu waxa ay faa’ido u leedahay loo sheego, in aynu ku codeyno si walaaltinimo ah, is qadarin iyo ixtiraam leh isla markaana dhawraysa shuruucda doorashada, ilaalinaysa anshaxa iyo asluubta, iyo in ciddi horumarkiina iyo wanaagiina doonaysa ee aad og tihiin in noloshiina ay saameyn ku leedahay in idinkuna codkiina siisaan si arrintaasi loo joogteeyo”
Ugu damabayn madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic ayaa sheegay in socdaalkoodu ku la xidhiidho u kuur gelidda xaaladda guud ee gobolada gal-beedka dalka, waxaanu intaa ku daray in sidoo kale u jeedooyinka socdaalkoodaasi ay ka mid tahay xog-golaal u noqoshada sida bulshada ku nool goboladaasi ay uga qayb-qaadanaan ololaha doorashooyinka isku sidkan ee u qorashaysan in dhammadkan bishan aynu ku jirno ay dalka ka qabsoomaan.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu bulshada ku adkeeyay in ay ilaaliyaan ammaanka doorashooyinka ugana qayb qaataan hannaan habboon, isla markaana taageereyaashu ay ixtiraamaan xisbikastaa maalinta uu u leeyahay kal-tanka doorashada.“Socdaal dheer oo maanta(shalay) maalintii afraad ah, ayaanu ku soconay, oo aanu ku maraynay gobollada Awdal iyo Selal, iyada oo masuuliyiintii Qaranka oo dhami ay u kala baxeen dhawrka cisho, gobolladii dalka oo dhan maadama xukuumadda xil weyni ka saaran yahay, ujeedada gobollada dalka loogu kala baxayna waxaa weeye doorashada aynu gelayno ayaa ah mid aad u qiimo badan, doorasho Qarankan sumcad weyn u soo kordhinaysa, in masuuliyadeeda xukuumaddu qaado sidii nabadgelyo doorashadaasi ugu dhici lahayd, doorasho qurux badan oo sharaf leh, oo tartan xalaal ahi ka dhaco.
Waxaa kale oo aanu u soconay in aanu idinku wacyigelino in si sharaf ah oo karaamo leh aad u tartantaan oo aan la isku qabqabsan oo aan la isku xag xaganin”
Xogsoornews.com
Hrgeisa Somaliland