Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo lagu soo  Dhaweeyay Xarunta Gobolka Awdal iyo Ujeedada Socdaal Shaqo oo uu ku joogo

0
406

Borama(Xogsoornews.com):-Madaxweyne  ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey degaanka Goraya Cawl,waxaana halkaas kaga hortegay maamulka gobolka Awdal iyo ka degmada Borame iyo dadweyne kale oo tiro badan, iyada oo madaxweyne ku xigeenka Somaliland shacabka gobolka Awdal kula dardaarmay in ay dadku ka wada qayb qaataan ilaalinta nabadgelyadda iyo la shaqaynta ciidamada amaanka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in shirkii golaha wasiirrada Somaliland layskula qaatay in wufuud kala duwan loo kala diro  goboladda Somaliland , si looga wada shaqeeyo doorahooyinka isku sidkan ee Wakiiladda iyo degaanka, waxa uu sidoo kale cadeeyey in uu socdaal ku tegi doono degaanadda kala duwan ee gobolka Awdal.

 

 

 

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hrgeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here