Hargeysa(Xogsoornews.com):-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliand,ayaa ku dhawaaqay jadwalka Ololaha doorashada goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee Xisbiyada Qaranka Somaliland.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, isla markaana uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Cali,ayaa lagu sheegay in sadexda Xisbi qaran ee UCID,KULMIYE iyo WADDANI mid kastaaba ololaha doorashada qabsan doono laba maalmood oo isu soo baxyo fagaareyaasha ah uu u yeelan doono.
Ololaha doorashada xisbiyada qaranka ayaa dalka ka bilaabmaya maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 23,05 isla markaana socon doona illaa 28-ka bishan oo ah laba maalmood ka hor maalinta doorashadu qay qabsoomayso.
“Komishanka doorashooyinka qaranku isagoo raacaya qodobka 88-aad farqaddiisa.1-aad,2-aad-3-aad iyo qodobka 89-aad farqaddiisa 1-aad,2aad-3-aad iyo qodobka 92-aad farqaddiisa,1-aad,2-aad iyo sadexaad ee xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee xeer lambar 91/2020. Wuxuu soo saaray jadwalka ololaha doorashooyinka isku sidkan ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka.”
Qoraalka ka soo baxay gudida doorashooyinka ayaa lagu caddeeyay in jadwalka ololaha doorashooyinka isku sidkan in ay Xisbiyadu u kala leeyihin sidan.
23,05 2021. Xisbiga UCID oloahaas oo bilaabmaya todobada subaxnimo illaa lixda fiidnimo Xisbiguna ku qabsan karo fagaareyaasha iyo beerta xoriyadda isu soo baxyadiisa.
24,o5,2021.Xisbiga KULMIYE oloahaas oo bilaabmaya todobada subaxnimo illaa lixda fiidnimo Xisbiguna ku qabsan karo fagaareyaasha iyo beerta xoriyadda isu soo baxyadiisa.
25,05,2021.Xisbiga WADDANI oloahaas oo bilaabmaya todobada subaxnimo illaa lixda fiidnimo Xisbiguna ku qabsan karo fagaareyaasha iyo beerta xoriyadda isu soo baxyadiisa.
26,05,2021.Xisbiga UCID oloahaas oo bilaabmaya todobada subaxnimo illaa lixda fiidnimo Xisbiguna ku qabsan karo fagaareyaasha iyo beerta xoriyadda isu soo baxyadiisa.
27,052021.Xisbiga KULMIYE. oloahaas oo bilaabmaya todobada subaxnimo illaa lixda fiidnimo Xisbiguna ku qabsan karo fagaareyaasha iyo beerta xoriyadda isu soo baxyadiisa.
28,05,2021.Xisbiga WADDANI oloahaas oo bilaabmaya todobada subaxnimo illaa lixda fiidnimo Xisbiguna ku qabsan karo fagaareyaasha iyo beerta xoriyadda isu soo baxyadiisa.
Waxaana ololaha ugu dambaysa maalinta ay taariikhdu tahay 28,05,2021 oo ah maalinta ugu dambaysa ololaha fagaareyaasha oo uu u leeyahay xisbiga umcaaridka ah ee Waddani.
Waxaa kale oo komishanka doorashooyinka qaranku uu ku war geliyay xisbiyada qaranka iyo musharixiintoodaba in ay ka fogaadaan waxkasta oo ka reebban ololaha doorashada oo uu reebay xeerka doorashooyinka
Waxaanu caddeeyay komishanka doorashooyinka qaranku cid kasta oo ku kacda fal ka reebban xeerka doorashooyinka in at tallaabo ka qaadi doonaan gudida doorashinka qaranku.
Qoraalka gudida Doorashooyinka oo sawiran halkan hoose kaga bogo
Xogsoornews.com
Hrgeisa Somaliland