Hargeysa-(Xogsoornews.com):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hablo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland oo u dallacay derejada Sarkaalnimo.
Kulanka uu Madaxweynaha Somaliland ku qaabilay hablaha ka tirsan ciidanka booliska Somaliland oo ka qabsoomay qarsirga Madaxtooyada Somaliland,ayaa waxaa ku wehelinayay Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi(dabagale)
Warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo lagaga hadlay kulanka Madaxweynaha iyo hablaha saraakiisha u dallacay,ayaa u dhignaa sidan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay hablo dhallinyaro ah oo katirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo u dallacay derejada sarkaalnimo.
Kulanka uu madaxweynuhu ku qaabilay hablahan katirsan ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxa ku wehelinayey taliyaha ciidanka Booliska, sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) iyo taliyaha ciidanka birmadka gaashaanle sare Cabdi Axmed-tiir iyo ku-xigeenkiisa, gaashaanle dhexe Khadar Maxamuud Cabdilaahi, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo, laguna dhiirrigelinayo hablaha Booliska ah ee dallacay.
Ugu horrayn taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi iyo taliyaha ciidanka Birmadka, gaashaanle dhexe Cabdi Axmed-tiir oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kaalinta dhiirrigelinta iyo taageerada leh ee uu ka qaato ciidanka Booliska iyo dhismihiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey hablaha dhallinyarada ah ee ka tirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo maanta u dallacay derejooyin cusub, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waan idin soo dhaweynayaa, waan idin hambalyeynayaa qolodiinna dallacday, tacliinta sii wada oo sii kordhiya, waana idiin ducaynayaa inaad horumar badan samaysaan dhinac walba.”
Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday kaalinta ay haweenku ugu jiraan bulshada iyo sida ay shacabku ugu kalsoonyihiin shaqooyinka ay gacanta ku hayaan iyo filashada wanaagsan ee ay astaanta u yihiin, “Dumarku awood bay u leeyihiin inay dadka wax ka dhaadhiciyaan, weliba dadku hablaha way maqlaan, waayo waa Hooyo, waa naxariis, markuu qofku dumar yahay qofka soomaaliga ahi waxa uu ka filayaa waa naxariis, taakulayn iyo waxtar,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu hablaha katirsan ciidanka Booliska kula dardaarmay inay si hufan bulshadooda ugu adeegaan, shaqada ay qaranka u hayaanna u hagar baxaan.”
Xogsoornews.com
Hargeisa Somaliland