Xisbiga UCID oo ka Hadlay Xadhiga Musharax Shucayb Sheegayna In la Jebiyay Xeerkii Anshaxa Doorashada

0
349

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay jebisay xeerkii doorashada 24 saacadood ka dib markii la kala saxeexday waxaanu xisbigu si adag uga hadlay xadhiga Musharax Sucayb oo ah musharax u taagan doorashada golaha wakiilada isla markaana ah xoghayaha beeraha ee Xisbiga UCID oo  xalay ciidanka boolisku soo xidheen.

Xoghayaha warfaafinta Xisbiga UCID oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay arrintaa meel adag ka taagan yihiin isla markaana aanay aqbalayn in shucuucda dalka lagu tunto.

Waxaanu intaa raaciyay in arrintaa wax ka qabashadeedu ay u taallo gudida doorashooyinka qaranka.

Haddaba warkaas oo muuqaal ah halkan ka daawo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here