Caynaba (Xogsoornews.com): Waiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,ayaa Qoysas barokaceyaal ah oo deggan Kaam ku yaalla magaaladda Caynaba ee gobolka Saraar oo todobaadkii hore ay guryahoodii ka gubteen gaadhsiiyay kaalmo isugu jirta Raashin iyo maacuun.
Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,ayaa qoysaskaa barokacayaasha ah ee masiibada dabku guryahoodii ay ka gubtay todobaadkii hore gaadhsiiyay kaalmada kala duwan ee xukuumaddu ku waacisay.
Waxaani wasiirku sheegay in ay u kuur gelayaan dhammaan kaamamka barokacayaasah ee Gobolka Saraar isla markaana ay ka xukuumad ahaan diyaar u yihiin wixiii ay u qaban karaan dadkooda jilicsan in ay u qabtaan,geesta kale waxaa uu u soo jeediyay guud ahaan bulshada Somaliland in ay iska war hayaan oo kooda jilicsan ay hoos u eegaan oo ay waxtaraan.
Qoysaska ay guryuhu ka gubteen ayaa ka mid ah barokaceyaal deggan xeryo ku yaalla magaaladda Caynaba kuwaasoo ka mid ah dadkii ay xoolahoodii kaga baxeen abaarihii.
Tiradda qoysaska caawimadda la gaadhsiiyay ayaa dhammayd 50 qoys oo ka mid ahaa dadkii ay guryahoodii ku shuf beeleen dab qabsaday todobaadkii hore.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ayaa uga mahad celiyay hay’adda qoxoontiga iyo barokaceyaasha oo raashinkaa iyo kaalmada uu u qaybiyay soo gaadhsiisay qoysaskaas.
“Waxaan u mahad celinayaa guddoomiyaha haya’dda qoxoontiga iyo barokaceyaasha, oo muujiyay dareen deg deg ah. Caawimana u soo diray dadkaa barokaceyaasha ah.
Isagoo dawladda ka wakiil ah, caawimadan la gaadhsiinayo barokaceyaashani, inta ay doontaba ha leekaatee” ayuu yidhi wasiirku.
Geesta kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan, waxa uu sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka war haynayaan qoysaskaas ay dhibaatadu soo gaadhay, isla markaana ay og yihiin in dadka ku jira kaamamka kale baahida ay qabaan.
Waxaanu yidhi, “Waxa aynu rabno in aynu dadkeena u qabano, way ka ballaadhan yihiin way ka ballaadhan yihiin 50-kan qoys ee aynu maanta halkan ugu nimid. Laakiin, waxaanu u nimid in aan u kuur gallo nolosha dhabta ah, iyo duruufta halkan ka jirta.
Iyadoo kaamamka kalena ay kan uun la mid yihiin. Inta ka horraysana xukuumad ahaan waa in aynu dadkeena nugulka ah ka war hayno”.
Qaybinta caawimadda la gaadhsiiyay qoysaskaasi guryuhu ka gubteen waxaa wasiirka xidhiidhka goleyaasha ku wehelinayay Guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barokaceyaasha ee gobolka Saraar iyo masuuliyiin kale.
Dhinaca kale waxaa xiligan deegaamo ka tirsan gobolka Saraar ka taagan xaalad biyo la’aaneed. Iyadoo dhibaatada ugu weyni haysato dadka barokaceyaasha ah.
Haddaba kaalmada Wasiir Maxamed Xaaji Aadan uu qosaskaa gaadhsiiyay oo muuqaal ah halkan ka daawo.
Xogsoornews.com
Hrgeisa Somaliland