“Bannaanbax oo Dhan waa Sharci Darro “Wasiirka Amniga Soomaaliya

0
381

Muqdisho(Xogsoornews.com):- Dawladda Soomaaliya ayaa ku celisay in aanay ogoleyn dibadbaxyo laga dhigo magaalada Muqdisho maalin uun kadib markii xubnaha midowga murashaxiintu ku baaqeen mudaaharaadyo cusub oo ay kaga ashtakoonayaan dibu dhaca ku yimi doorashada Soomaaliya iyo inaan wali heshiis buuxa laga gaadhin waqtiga ay dhacayso.

Dawladda ayaa ku andacoonaysa inay sidaa u samanayso sidii ay uga hortagi lahayd faafintaan cudurka COVID-19 oo todobaadyadii la soo dhaafay ku soo laba kacleeyay dalka.

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in dowladdiisu aanay   aqbaleynin in banaanbax lagu qabto Muqdisho arrimo ay kamid yihiin amniga iyo cudurka Karoona dartood.

“Mudaaharaad hub wata oo dad hubeysani wataan sideedaba lama ogolaan karo haddii ay dhaceyso arrintaas qiimeyn kale iyo cudurka oo naga yaraada iyo dhibaatada oo yaraato iyo arrinta amni oo yaraato qiimeyn kale bey ku iman kartaa go’anku waa sidiisii”

 

Wuxuu intaas ku daray in qabashada banaanbaxa uu sharci darro yahay isla markaana gebi ahaanba ay dowladda mamnuucday.

“Banaanbaxa guud ahaan waa la joojiyay ama ha noqdo mid dowladda lagu taageersanyahay ama ha noqdo mid lagaga soo horjeedo… banaanbax oo dhan waa sharci darro”

“Cidii sameysana haddey iyada is xilqaantay ma ahe, dowladda uma dirin mana ogola gaar ahaan magaalada caasimadda ah wey kasii duwan tahay gobollada, caasimadda waxaa joogo mas’uuliyiinta dhammeyd, waxaa joogo dowladdii waxaa joogo safaaradihii hubka ugu badan baa yaalla” ayuu yidhi wasiir Xasan Xundubey oo la hadlayay warbaahinta dowladda.

Dhinaca kale, mucaaradka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankan ugu dambeeyay ee kasoo baxay dowladda maadama Jimcaha lagu wado in bannaanbax kale ay ku qabtaan magaalada Muqdisho.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka tirsan Midowga Musharraxiinta ayaa BBC u sheegay in bannaanbaxa ay ku baaqeen  uu yahay xaq dastuuri ah isla markaana uu go’aankooda weli sidii yahay oo ay Jimcaha qaban doonaan banaanbaxa.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli Midowga Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay ku baaqeen isu soo baxyo cusub maalinta Jimcaha ee bishan ay ku beegan tahay 26 kadib markii laga hor istaagay dibadbaxyadii ay dhigayeen Jimcihii la soo dhaafay.

Midowga Murashaxiinta waxa kaloo ay dhaliil u jeediyeen wakiillada beesha caalamka oo ay ku sheegeen inay doonayaan inaanay waxba la soo qaadin shaqaaqooyinkii Muqdisho ka dhacay 19 kii bishan.

 

 

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hrgeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here