Hargeysa(Xogsoornews.com);- Saddexda Xisbi qaran ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID,ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socday beesha caalamka iyo daneeyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka.
Dublamaasiyiinta weftiga ah ee Somaliland Socdaalka ku yimi oo ka kala socday UK, Germany, Sweden, Denmark, EU, UN iyo AU,ayay madaxda Xisbiyada qwaranka ka wada hadleen u diyaar garawga arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee u muddaysan in ay Somaliland ka qabsoomaan 31 May ee Sannadkan oo lagu soo dooran dooni mudaneyaasha golaha wakiilada iyo deegaanada.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Xisbiga KULMIYE oo lagaga hadlay kulanka weftiga dublamaasiyiinta beesha caalamka iyo xisbigu wada yeesheen,ayaa u dhignaa sidan.
“Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), waxa uu maanta(shalay) xafiiskiisa ku qaabilay wefti diblumaasiyiin iyo madax sar-sare ah oo ka socda dalalka iyo ururada kala shaqeeya Somaliland arrimaha horumarka iyo dimuqraadiyadda oo ay ka mid yihiin; UK, Germany, Sweden, Denmark, EU, UN iyo AU, kuwaas oo booqasho ku yimi dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka oo qodobada ugu badan lagu lafa-guray arrimaha la xidhiidha doorashooyinka is-barkan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaannada dalka Somaliland ee qabashadeedu u muddaysan tahay 31-ka bisha May ee sannadkan 2021, waxay weftiga ka socday beesha caalamku si weyn ugu ammaaneen Xukuumadda Somaliland, axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka sida wanaagsan ee ay u hirgeliyeen diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhaqaalihii ku baxay ay bixisay dawladda Somaliland, taas oo ku dhammaatay si nabadgelyo ah.
Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE waxa uu u sheegay weftiga in xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ay diyaar ka yihiin wax kastoo la xidhiidha qabashada doorashooyinka isku-sidkan, isla markaana mudnaantooda koowaad ay tahay in doorasho xor iyo xalaal ahi si amni ah uga dhacdo dalka Somaliland waqtiga loo muddeeyey, taas oo wax kastoo carqalad ku noqonayana ay axsaab ahaan iyo dawlad ahaanba si wadajir ah uga soo horjeedaan.
Waxa kaloo Mudane Axmed Cabdi-dheere ku wargeliyey xubnaha weftiga kulanka la qaatay in xisbiga KULMIYE uu gacan buuxda siinayo murrashaxiinta haweenka iyo beelaha la hayb-sooco ah ee iska soo sharraxa xisbiga, iyadoo horeba xisbiga iyo Xukuumaddiisu ay dedaalo badan uga galeen sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka talada dalka ee labadan qaybood ee bulshada ka tirsan.
Dhankooda weftigani waxay ballanqaadeen in ay diyaar la yihiin wixii taageero ah ee ay dalalkooda iyo ururrada ay ka socdaan ka geysanayaan doorashooyinka Somaliland.
Gebogabadii, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE Mudane, Axmed Cabdi-dheere oo ay kulankaas ku wehelinayeen Xoghayaha Guud ee xisbiga Mudane, Ibraahim Axmed Raabbi iyo Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee xisbiga, waxa uu shirkaasi ku dhammaaday is-afgarad buuxa.
Dhinaca kale waxay weftigu kulan la waateen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Waddani,ayaa lagu yidhi.”Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro oo ay wehelinayaan Hoggaanka Sare ee Xisbiga ayaa galabta(shalay) ku qaabilay hoygiisa wefdi ka socda Saaxiibada Somaliland iyo daneeyeyaasha Dimuqraadiyadda.
Wefdiga ka socday Beesha Caalamka ayaa isugu jiray wufuud ka kala socda EU, UN, Britain, Sweden, Denmark, iyo Germany oo dhammaantood ah saaxiibada Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.
Xisbiga WADDANI iyo Wefdiga Beesha Caalamka ka socda ayaa isla falanqeeyey isla markaana ka wada hadlay arrimaha habsami u socodka howlaha u diyaar garowga doorashooyinka isku sidkan ee ku muddeysan in ay dhacaan 31 may 2021
Waxaa kale oo weftiga beesha caalamku ay kulan la qaateen Xisbiga UCID oo ay ka wada hadleen isla arrimaha doorashooyinka. War kooban oo ka soo baxay Xisbiga UCID,ayaa lagu yidhi.”Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa Kulan la yeeshay Wufood 8 Safaaradood oo Beesha Caalamka Ka Socota
Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Xuseen iyo Madax kale oo Xisbiga ka tirsan’ayaa Xafiiska xarunta dhexe ee Xisbiga UCID uu Hargeysa ku leeyahay ku qaabilay isla markaana Shir gaar ah kula qaatay Madax ka socota Waddamadda Beesha Caalamka ah gaar ahaan Qunsuliyaddaha 8 Safaaraddood oo Waddamadda reer Galbeedka ee Daneeyayaasha Arimaha Doorashooyinka iyo Dumquraadiyadda Somaliland ka taageera oo Hargeysa u yimid arimaha Diyaar garoowga Doorashooyinka Soo socda inay Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta qaranka kala Xaajoodaan in wixii qabyo ah la dhamaystiro gaar ahaan waxa kulankani daarranaa arimaha Saamiga Doorashooyinka ee Beelaha la Haybsoco iyo Kootadda Haweenka ee Doorashooyinka.
Wufuuddan 8da Safaaraddood ee Waddamadda Beesha Caalamka ee Somaliland Arimaha doorashooyinka Iyo Dumquraadiyadda ka taageera ee Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe uu Xafiiskiisa ku qaabilay kulana shiraayo’ ayaa kala ah’ Safiiradda Waddamo ay ka mid yihiin UK , Germany, Sweden, Denmark, EU, UN, AU.
Waxaana Shirkaa Madaxda Beesha Caalamka iyo Hoggaamiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Hoggaanka sare ee Xisbiga UCID, Qaar ka mid ah musharaxiinta Xisbiga iyo Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID
Xogsoornews.com
Hrgeisa Somalilan