Wasiirka Arrimaha Dibedda  oo Kormeeray Dhismaha Xarunta Agoomaha ee Laascaanood

0
362

Laascaanood (Xogsoornews.com):- Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee  Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo safar shaqo ku jooga gobolka Sool ayaa kormeeray dhismaha xarunta agoomaha ee magaalada Laascaanood kaas oo ay fulineyso dawladda Kuwayd.

Intii uu wasiirku ku guda jiray kormeerka ayuu warbixin ka dhegaystay hawlwadeenada mashruuca dhismaha xarunta agoomaha ee magaalada Laascaanood

Wasiirka oo hadal kooban ka jeediyay kormeerka uu ku soo indha indheeyay halkuu marayo dhismaha xarunta agoomaha ee Laascaanood,ayaa yidhi.“qolada hay’addu way wadaan oo marka qayb ayay dhisayaan waxaanay rabaan in mashruuc ballaadhan ay halkan ka fuliyaan oo dhanka waxbarashada,caafimaadka,xagga beeraha,iyo  farsamada gacanta ah waxyaabahaas oo dhan ayuu isugu jiraa,markaa marka qayb ayaa dhismaysa oo xataa waxaa ku jira guryo jiif ah oo ay agoomuhu seexanayaan oo illaa konton guri ah,markaa waxaa loo baahan yahay in hay’adda wax lala qabto oo lala dhiso oo  la dhiirri geliyo.”

Wasiir Faratoon ayaa u mahad celiyay Hawl wadeennada  gacanta ku haya dhismaha xarunta agoomaha ee magaalada Laascaanood

Haddaba warkaas oo  muuqaal ah halkan hoose ka daawo

 

 

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hrgeisa Somalilan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here