Laascaanood oo  laga Furay Dugsigii Labaad ee Farsamada Gacanta ah iyo Tirada Ardayda Lagu Bilaabay

0
577

Laascaanood (Xogsoornews.com):- Dawladda hoose ee degmada Laascaanood ayaa hirgalisay dhismaha dugsigii labaad ee loogu tala galay in lagu barto farsamada gacanta.

Munaasibad lagu furayay dhismaha dugsigaas ayay kasoo qayb galeen Meeyarka degmada Laascaanood, Cabdicasiis Xuseen Taarwale xoghaya fulinta dawladda hoose, Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sool, guddoomiyaha ururka haweenka ee Now, iyo xubno kale Waxana dugsigaasi  hirgalintiisa ka qayb qaatay ururka VNG, Ururka dawladaha hoose ee Netherland iyo ururka dawladaha hoose ee Algasal ee JSL.

Daahir Maxamed Axmed Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sool ayaa sheegay inuu dugsigaasi yahay mid muhiim ah kaas oo lagu baran doono xirfadaha sida Laydhka, iyo Dawaarka waxaanu ku baaqay in laga faa’iideysto.

“Dugsigan cusub ee farsamada gacanta oo ah kii labaad ee laga hir-geliyo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa hadda lagu bilaabay oo wax lagu barayaa afartan (40) arday oo baran doona xirfadaha farsamada gacanta, sida korontada iyo dawaarka.” Ayuu yidhi Maayer Taarwale

Waxaanu  intaa ku daray  oo uu sheeay in sannadka dambe ay u qorshaysan tahay in ay tirada ardayda gaadhsiiyaan 120 arday, isla markaana ay hillaadinayaan mustaqbalka dhaw sidii loo ballaadhin lahaa dugsigan, isla markaana la gaadhsiiyo gobolada dalka Jamhuuriyadda Somaliland. 

 

Waxaanu yidhi.“Dugsigii hore ee farsamada gacanta magaalada Laascaanood, waxaa la furay bishii 11-aad ee sannadkii hore ee 2020-ka, waxaana dhigta arday tiradoodu gaadhayso 60 qof, kuwaas oo barta xirfadaha gacanta ee kala duwan, kaas oo loogu talo-galay in kor loogu qaado xirfadaha gacanta si ay bulshadu isugu filnaato oo ay  kaalin weyn uga qaataan horumarka iyo wax-soo-saarka dalka.”

 

 

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hrgeisa Somalilan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here