“Qofba ma Rabno In aanu Dulmi Ku Samayno” Madaxweyne Muuse Biixi Cabid

0
526

Nairobi-(Xogsoornews.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Kenya ayaa ka hadlay ujeedada safarka shaqo ee uu ku jooga dalkaas .

Waxaanu meesha ka saaray in socdaalka uu ku joogo dalka Kenya iyo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo  Kenya in ay wax xidhiidh ah leeyihiin.

Waxaa kale oo uu caddeeyay in Somaliland marnaba aanay cadaw ku ahayn Soomaaliya isla markaana ay wanaag iyo walaalnimo la doonayaan Soomaaliya.

 

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Kenya uu u jooga xoojinta arrimaha dhaqaalaha ,Amniga iyo dublomaasiyadda ee labada dal. “Waa laba dal oo jaar ah, Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay markaa waxaan u nimid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, dublomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba,”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in booqashadiisa iyo khilaafka ka dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya aanay wax xidhiidh ka dhexeyn ka dib markii uu su’aal ka waydiyey Wariye ka tirsan Telefashanka BBC-du

 

“Malaha eraygaas la iskuma quudhi karo. tan kale Soomaali ayaynu nahay, annagu waxaan isu qabnaa in aan nahay kuwii Soomaali meel ay joogtaba wax tari lahaa ee ma nihin kuwii wax yeeleyn lahaa. Qofna ma rabno in aan dulmi ku sameyno. Waxa labada dal ka dhaxeeya haddii ay dhex gal waayeelnimo naga codsadaan, waynu kala dhex galeynaa, in aan xallino iyaga oo wada socda, haddii dal qudha naga codsadana dhex geli mayno. Midda Kenya na, noo quudhi meyso kana aqbali meyno, annaguna ma nihin dad loo adeegsado dad kale.”

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here