Berbera (Xogsoornews.com):- Maareeyaha dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilaahi,ayaa ka war bixiyay qalabyada ay ku soo kordhiyeen Dekedda Berbera iyo horumarka ay Dekeddu ku tallaabsatay muddooyinkii u dambeeyay.
Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan oo waraysi gaar ah siiyay BBC-Somali,ayaa ka war bixiyay waxyaabaha iska bedelay iyo horumarka ku soo kordhay dekedda Berbera.
.
“Waxaanu isticmaali jirnay Maraakiibta Wiishashka ku yaala, taas oo marka dabayshu soo dhacdo shaqadu istaagi jirtay, ilaa inta dabayshu istaagayso, sababto ah Markabku Badda ayuu taagan yahay marka waa uu ruxmayaa, Wiishkii wuu ruxmayaa dhib badan ayaa ku dhici jirtay shaqaalaha”Ayuu yidhi maareeyaha dekaddaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdillaahi.
Haddaba maareeyaha dekadda magaalada Berbera, Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa u waramaya weriyaha BBC-da Sadiiq Burmad.