“Waxaa Dalkii Qabsaday Rag Ay Tababareen Gumaysigii oo Taladii Ciidanka La Wareegay” Duuliye Axmed Dheere

0
626

Hargeysa(Xogsoormedia):- Duuliye sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ka mid ahaa duuliyeyaashii Millatari ee dawladdii Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayay ee dalka taladiisa xoogga  kula wareegtay isla markaana dadkeedii gumaadday,ayaa ka hadlay fal dambiyeedyadii dhacay iyo sidii uu damiirkiisa shaqsi ahaaneed u diiday in uu duqeeyo dadkiisa maatada ah ka dib markii 1988 lagu amray in uu diyaarad ciidan ka duuliyo Hargeysa isla markaana uu ku duqeeyo Hargeysa.

Duuliye Axmed-dheere ayaa diyaaradii uu Hargeysa ka duuliyya ula tallaabay dhanka dalka Jabuuti.

Duuliye Sare Axmed-dheere oo Hargeys aku suga isla markaana billadsharfta qaranka Somaliland ugu sarraysa lagu maamuusay oo uu guddoonsiiyay Madaxweynaya Somaliland Mudane Muuse  Biixi  Cabdi,ayaa isagoo ka hadayay waxyaabihii dhacay iyo siday xukumaddii Millatariga ahayd ee Soomaaliya dalkii  la isku odhan jiray ka talinaysay ay u ahayd nidaam ay hoggaamiyaan shaqsiyaad dabadhilif gumaysi ahaa.

“Dhibaatadii dhacday iyo gabbood-falkii dhacay wax lasoo koobi karo ma aha, waxana mahad iska leh raggii iyo haweenkii guntiga dhiisha iskaga dhigay ee u duubtay inay badbaadiyaan oo dadkii iyo dalkii ka qaadaan nidaamkii waxshiga ahaa oo marka horeba midiidin u ahaa gumaysigii dalka haysan jirey,” ayuu yidhi Axmed Maxamed Xasan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here