Masuul Xilkiisa ku Waayay Ilaalinta Manhajka Qaranka

0
508

Hargeysa (Xogsoornews.com) Agaasimihii maxadka horumarinta manaahijta ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland,  Cabdillaahi Yaasin Diiriye, ayaa xilkiisi ku waayay ilaalinta sugnaata manhajka Qaranka, kadib markii ay wasiirka ku kala aragti duwanaadeen waxyaabo aan manhajka dugsiga sare ee dawlada ku jirin oo wasiirku sheegay in lagu darayo.

Agaasime Cabdillaahi ayaa sheegay in wasiirka fariimo isku waydaarsadeen Whats-up-group-ka wasaaradda, kuna sheegay wasiirku in fasalka afraad ee dugsiga sare Manhajkiisa lagu darayo luuqadaha Shiinaha iyo Faransiiska.

Taasi oo uu sheegay Cabdillaahi in uu kaga jawaabay fariin uu ugu diray isla Whats-up-kaas, oo u dhignayd sidan “Dejinta Manhaj cusub oo laga guurayo manhajkii hore ee Qaranka arrin fudud maaha, wuxuuna leeyahay dariiq loo maro (Rod Map), wasiirna kaligii halkii uu doono uma jahayn karo manhajka waxbarashada Qaranka, waxaanu ka dhaxeeya umadda Somaliland bari ilaa galbeed, iyagana go’aamin kara halka looga guuri karro kii hore u jiray.

Manhajka umadda loo dejinayo kor lagama soo dhiso ee hoos ayaa seeska looga soo adkeeya, korna loo socdaa.

Luuqadaha afka Shiinaha iyo Faransiiska ee aad rabbto in aad ka hirgeliso dugsiyada sare wasiir wax la rumaysan karro oo maanka lagu hayo ka fog”

Cabdillaahi waxaa kale oo uu sheegay in markii wasiirku jawaabta helay inuu qaaday tallaabo uu ku baabi’inayo xafiiskii iyo dhismihii maxadka horumarinta manaahijta oo uu ku wareejiyay xarunta imtixaanadka Qaranka.

Waxaanu xusay in uu Whats-up-ka ugu soo diray wasiirku fariin kale oo uu ku sheegayo in xafiiskoodii lagu wareejiyay xarunta imtixaanadka Qaranka Somaliland, islamarkaana maxadka horumarinta manaahijta loo raray qol ku yaalla xarunta waxbarashada gobolka Maroodijeex qaybta Galbeed.

Intaasi kadib Cabdillaahi waxaa uu tilmaamay in wasiirku ku eedayay in uu faafiyay islamarkaana dugsiyada lagu dhigto buugag Diinta Kiristanka ah, arrintaasi oo guddi wasaaraddu u saartay markii danbe soo caddeeyeen in aan kiiskaas waxba ka jirin Somaliland aan dugsiyadeeda lagu dhigan Diinta Kiristaanka.

Intaasi kadib waxaa uu wasiirku xilkii ka qaaday agaasimaha maxadka horumarinta manaahijta Qaranka Cabdillaahi Yaasin Diiriye, kana mid ahaa masuuliyiintii seeska u dhigay hirgelinta waxbarashada Qaranka lana soo shaqeeyay shan iyo toban wasiir oo wasaaradda soo maray, waxaanu shaqadiisa ku waayay ilaalinta manhajka Qaranka ee xilku ka saarna dhawrsanaantiisa sida uu ku dooday

 

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@mail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here