Hargeysa(Xogsoornews.com):- Wasiirkii hore ee qorshaynta qaranka Maxamed Aadan Qabo,ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in loo diido in uu ka mid noqdo siyaasiyiinta hanka leh ee u tartamaya hoggaanka xisbiga KULMIYE.
Siyaasi qabo oo doonayay in uu u tartamo guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE isla markaana doonayay in uu shubo lacaga lagu xidhay mushariniinta xisbiga hoggaankiisa sare u tartamaya ayaa saaka lagu diiday lacagtii uu xisbiga u shubi lahaa lahaa si uu uga mid noqdo Tartameyaasha.
Wasiirkii hore ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo ee KULMIYE Qabo,ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu xisbiga cid gaar ah u xidhay.
Waxaanu saaka warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee xarunta Xisbiga KULMIYE.
Isagoo sheegay in aanay madaxweyne Muuse in aanay ka qabalayn in uu xisbiga cid gaar ah u xidho
Waxaanu yidhi. ,”Libaax Laba Raq Lagama Wada Kiciyo,Madaxweyne Biixi Hadii Aanu Xukuumada Ku Ixtiraanay Ragayagii Lasoo Shaqeeyey Ka Aqbali Mayno Inuu Xisbiga Cid Gaara Loo Xidho”