Wajaale: Hay’adda Dhawrista Tayada oo Hawl Gallo Shaqo ka Bilawday

0
620

Tog-Wajaale(Xogsoornews.com):- Hay’adda Dhawrista tayada,ayaa magaalo ganacsiyeedka Wajaale oo isku xidha dalalka Somaliland iyo Itoobiya ka bilawday hubinta tayada alaabooyinka kala duwan ee daruuriyaadka ah sida cuntooyinka iyo Sharaabka.

Ka dib markii Mgalaalada Wajaale dib loogu soo celiyay raashin dhacay oo laga soo celiyay dhanka dalka Itoobiya.

Gudoomiyaha Hay’adda dhawrista Tayada Mudane Muuse Xasan X. Yuusuf iyo Mas’uuliyiin xafiiskiisa ka tirsan ayaa kormeer shaqo ku tegay magaalo ganacsiyeedka Togwajaale.

Sida uu ku soo waramayo Weriyahayaga Gobolka Gebilay Cismaan Cabdi Bade Xamare Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Saraakiisha wehelisaa waxay Kormeer ku soo mareen suuqyada magaaladda Togwajaale Waxaana halkaasi warbixin ku siiyay Gudoomiyaha Degmadda Tog-wajaale oo sheegay maadaama degmadu ay tahay xarun ganacsi inay muhiim tahay sidii ay hay’adda dhawrista tayadu daba gal ugu samayn lahayd agabka ganacsi ee imanaya waxa uu gudoomiyuhu xusay inay arkeen Cuntooyin iyo alaabooyin kale oo wakhtigii loogu talo galay in la isticimaalo dhaafay oo dhacay oo wax ka bedel lagu sameeyay iyadoo la adeegsanayo shaanbado been abuur ah isagoo intaas ku daray inay maamul ahaan sameeyeen hawl galo arrintan ku wajahan.

Gudoomiyaha Hay’adda dhawrista Tayada Mudane Muuse Xasan X. Yuusuf waxa uu kulan la qaatay maamulka degmadda Togwajaale iyo madaxda kastamka magaaladaasi waxaanu guddoomiyuhu sheegay in Ujeeddada Kormeerkiisu ay la xidhiidho hubinta agab ganacsi oo dalka ka baxay oo dib loogu soo celiyey isla markaana ay wadaan baadhis la xidhiidha alaabtaas.

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray inay xoojinayaan Xafiiska hay’adda dhawrista tayadu ay ku leedahay degmadda Tog-wajaale.

 

 

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here