Xaaladihii ugu Dambeeyay ee Corona Virus ee Somaliland iyo Tirada Maanta laga Helay

0
535

Hargeysa (Xogsoornews.com):- Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixintii maalinlaha ahayd u soo gudbinaya bulshada Somaliland iyo xaaladda xannuunka koofidh-19, halka uu marayo waxa uu sheegay in 24 saacadood ee u dambeeyey baadhitaano lagu sameeyey 28 qof, iyadoo 8 qof oo dadkaas ka mid ah laga helay xannuunka karoona fayras.

Wuxuuna agaasimaha caafimaadku intaas ku daray in 8-daas qof ay kala yihiin 5 rag ah iyo 3 dumar ah, kuwaas oo dhamaantood ku sugan gobolka maroodi-jeex, gaar ahaan magaalada Hargeysa, iyadoo ay da’adoodu u dhaxayso 20 jir ilaa 60 jir, waxayna tirada guud ee laga helay xannuunka koofidh-19 guud ahaa Somaliland ka dhigaysaa 225 qof.

Waxa kale, oo uu agaasimaha guud ee caafimaadku ka xogwaramay habka ay wasaaraddu Ogsajiinta u gaadhsiinayso cusbitaalada kala duwan ee dalka, isagoo sheegay in lagu diyaarinayo cusbitaalka guud ee Hargeysa ka dibna loo kala dirayo cusbitaalada ay ku jiraan dadka uu soo ritay xannuunka koofidh-19, wuxuuna intaas raaciyey in cusbitaalka Burco ay u dirayaan 20 Haamood oo kuwa Ogsajiinta ah.

Geesta kale, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha guud ee caafimaadku waxa uu bulshada Somaliland ku booriyey in ay qaataan fariimaha hadh iyo habeen loo soo gudbinayo ee la xidhiidha xakamaynta iyo ka hortaga xannuunka karoona fayras, isaga oo ka codsaday inay dadku kala fogaadaan kuna dedaalaan nadaafada guud oo uu xusay in ay tahay habka ugu wanaagsan ee lagaga badbaadayo xannuunka adduunka safmarka ku noqday ee koofidh-19.

 

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here