Somaliland oo  Meel Adag Iska Taagtay  Hub Shaeci Darro ah oo Dawladda Masar  Soomaaliya Siisay Caalamkana Farriin u Dirtay

0
448

Hargeysa (Xogsoornews.Com):-Xukuumadda Somaliland ayaa meel adag iska taagtay hub sharci darro ah oo dawladda Masar ay si qarsoodi ah u siisay dawladda itaalka daran ee Soomaaliya.

Deeqda hubka ah ee dawldda Masr ay siisay Maamulka Farmaajo,ayaa ah tallaabo ka hor imanaysa oo jebinaysa cunaqabatyntii hubka ee Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay Soomaaliya.

Waxaanay caddaysay Xukuumadda Somaliland in hubkaasi uu halis ku yahay ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska afrika.

Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa oo cambaareeyey hub dawladda Masar ugu deeqday dhawaan Xukuumadda Itaalka daran ee Soomaaliya,ayaa intaa ku daray farriin adag u diray beesha caalamka oo uu ku war geliyay halista ammaan ee hubkaaasi uu ku keeni karo guud ahaan mandaqa iyo siday Soomaaliya u jebisay cunaqabatayntii  hubka laga saaray.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku faafiyey bartiisa Twitterka oo uu soo xigtay  Xogsoornews.com

Ayuu   Wasiirku ku eedeeyey dawladda Soomaaliya inay si cad u jabisay xayiraaddii hubka ee Qarammada Midoobay hubka ka saartay Soomaaliya.

Wasiir Cabdiqani Caateeye wuxuu caddeeyey inay Somaliland walaac ka qabto in hubkaasi uu waxyeelo ku yahay ammaanka iyo xasiloonida Mandaqadda Geeska Afrika.

Waxaanu midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay ku wargeliyey halista ka dhalan karta hubkaas sharci darrada ah ee Masar sida qarsoodiga ah u siisay Dawladda Farmaajo bishii Feberwari ee Sannadkan oo warkeedu xiligan si sir ah uga soo baxday Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Muqdisho.

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here