Hargeysa(Xogsoornews.com):- Guud ahaan Suugaanta Soomaalida ayaa ah waxaa ugu raadaynta badan ee dib xusuusta bulshada ugu celisa waayo hore oo l soo maray ama lagu asteeyo taariikh la doonayo in jiilash dambe ay dhaxal u noqoto oo ay ogaadaan dhacdo xilli dhacday oo Suugaan lagu asteeyay.
Haddaba waxaa jira hal door badan oo reer Somaliland ah oo la ilduufay in waxqabadkoodii dadka summad loogu yeelo,laakiin waxaa dhacda nin haldoorka wax qabadkiisu hanto quluubta shacabkiisa in qof kasta oo muwaadin ah oo damiirkiiu dhanka wanaagsan wax ka eegayaa uu xasuusan yahay masuulka daacadnimadiisa ay shaqadiisa ka arkeen.
Haddaba waxaa dhawaan soo baxday Hees Summad looga dhigay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani oo waxqabad aan la illoobi karin ka qabtay wasaaradda warfaafinta muaddadii uu wasiirka ka ahaa isla markaana noqday wasiirkii ugu horreeyay ee qasnada Dawladda ee Qaranka ku wareejiyay lacago Dollar ah oo badan oo laga qaado BBC-Somali iyo VOA-Somali.
Lacagtaas oo uu si sannadle ah u wareejin jiray,waxaa kale oo maanka shacbiga ku wayn tallaabooyin badan oo uu ku horumariyay shaqada wasaradda iyo u xaqsoorka shaqaalaha wasaaradda.
Haddaba halkan hoose ka daawo oo ka dhegayso heestaka dhalatay waxqabadkii wasiir Caddaani oo waliba soo baxday xilli aanu xil haynin dalkana aanu joogin.
haddii la odhan lahaa waa hees oo Caddaani ka dambeeyo ama uu wax ka ogyahay soo bixisteeda waxay heestu soo baxday xilli aanu dalkana joogin xilna aanu haynin laakiin damiirka arkay waxqabadkiisii ayay ka curatay oo sameeyay soona saaray
Xogsoornews.com
Hargeysa Somaliland