Hargaysa(Xogsoornews.com):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay heshiiskii saldhigga Millatari ee madaarka Berbera iyo hantida qaran ee labadii Sannadood ee la soo dhaafay ay la soo noqotay ama dib loogu soo celiyay gacanta dawladda.
Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), isla markaana ah afhayeenka Xukuumadda.
Waxaanu u dhignaa sidan.
“Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa War-saxaafadeed hore uga soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo aanu dib u sixid ku sameynay meelo ka mid ah hantidii ay dib ula soo noqotay Xukuumadda JSL, waana sidan hoos ku cad.
Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera
Qeybta Dhuumaha Shidaalka ee ka soo Nuuga Maraakiibta Kuna Shuba Keydka Haamaha Shidaalka
Qalabka Hubinta Tayada Shidaalka
Taarikooyinka kala duwan ee Dalka sida Kuwa Dawladda, Shicibka iyo Kuwa Q/Midoobay, Hay’adaha Caalamiga Iyo Kuwa Maxalliga.
Liisamada Baabuurta ee Shicibka iyo kuwa Hay’adahaba.
Dhukumentiga Waddo Marista ee lagu dhejiyo Muraayadda hore ee Baabuurta.
Tikidhada Cashuuraha iyo Cusbooneysiinta Liisamada kala duwan.
Kirooyinka Gaadiidka ku Nasanaya Barxadda Madaarka (Parking)
Hudheelka Hargeysa Club oo ka mid ah Goobaha Taariikheed ee Dalka.
Madaarka Caalamiga ah ee Berbera oo hore loogu bixiyey heshiis saldhiga Millatari oo dhexmaray 2017kii Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta. Waxa uu sax ku yahay warkaasi in imika laga dhigay mid Diyaaradaha Shicibka ahi ay sidoodii hore u isticmaalayaan, iyadoo aan waxba laga beddelin heshiiskii hore u dhexmaray labada dal.
La Wareegidda Dhulka Ballaadhan ee dhawaan la Deyray oo Laga dhisayo Xarun u Qalanta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Xaruntii Khayriyada Hargeysa oo hadda Xukuumaddu ka wado dhisme Madxaf qaran.
Intaa Waxa Dheer Diiwaangelin iyo Tira-Koob Lagu Sameeyey Dhammaan Hantida Ma-Guurtada ee Qaranku Leeyahay ee ku kala yaal Gobollada Dalka , Waxaana laga Hawlgalay 1dii Sep 2018kii Injineerro ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Kuwaas oo Hawshaa Diiwaangelinta muddo Laba Bilood ah ugu Maqnaa Gobollada dalka, si ay Indhahooda ugu soo Arkaan.
Geba-gebadii
“Waxay soo diwaangeliyeen oo ay soo tira-koobeen hantida ma-guurtada ee Qaranku leeyahay oo dhan afar kun laba boqol iyo sideed lixdan (4,268).
Oo isugu jira seerayaal, garoonnada ciyaaraha, dhaamam, ceelal, MCH-yo, dhismayaal shicib ku jiro Iyo sidoo kale dhammaan xarumaha dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ee dalka ka dhisan dib u sixid kooban oo ku saabsan goobaha iyo adeegyada xukuumaddu dib ula soo noqotay”
Xogsoornews.com
Hargeisa Somaliland