Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka oo ka Hadlay Markab Shidaal Sida oo Badda Taagan

0
693

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Maareeyaha guud ee haamaha kaydka shidaalka Berbera  Xasan Axmed Ibraahin(Xasan Empacy),ayaa ka hadlay sababta shidaalka looga shubi waayay Markab shidaal sida uu u raran shirkadda Som Patrolium.

Waxaa kale oo uu faah faahin ka bixiyay  dariiqa loo maro shidaalka dalka la keenayo iyo sida loogu shubo iyo sababta Markabku u xanniban yahay,waxaanu jawaab ka bixiyay hadallo Markabkaas ku saabsan  oo maalmihii u dambeeyay warbaahinta qaar lagu tebinayay oo uu sheegay in aanay waxba ka jirin.

 

Maareeye Xasan oo ugu horrayn faah faahin ka bixinayay sababta uu u xanniban yahay Marabkaas ee shidaalka looga shubi waayay,ayaa yidhi. “horta waxaa jirta dariiq la maro marka dalka Shidaal la keenayo oo ah in ugu horrayn wasaaradda ganacsiga dalxiiska iyo wershadaha laga soo qaato waraaq ogolaansho u ah in shidaal ay cidda ruqsadaa sidataa keeni karto ka dibna way noo yimadaan oo waxay  noo sheegaan xddiga shidlka ay keenayaan iyo goorta ay dalka keenayaan,annaguna (Maamulka Haamaha) waxaanu u sheegnaa xilliga ay keeni karaan ee loo helayo meel ay ku shubtaan shidaalka,laakiin Markabkan oo u raran shirkadda Som Patrolium wuxuu shidaalka keenay isagoo aan hysan waraaqda ogolaanshaha wasaaradda ganacsiga,iyadoo ay jirto amar ka soo baxay wasaradda ganacsiga oo na farayay in aan Haamaha kaydka shidaalka wax shidaal ah oo aan ogolaansho wasaaradda ka haysan in aan lgu shubi karin Haamaha kaydka shidaalka qaranka, marka labadna markabku shidaalka uu sido iyo inta noo bannaan ayaa kala badan oo shidaalka uu sido meel uma wada helayno,markaa labadaa qodob ayuu Markabkaasi u xanniban yahay.”

Mar uu Maareeye Xasan ka hadlayay warar maalmihii u dambeeyay warbaahintu ay tebinaysay oo markabkaas ku saabsan ayuu yidhi. “wararka maalmihii u dambeeyay warbaahintu ay Markabkaas kaga hadlaysay maaha warar sax ah sababtoo ah annagu wax war  ah maanu siinin shirkddii uu u rarnaana kamay hadal laakiin waxay waraysteen kabtankii Marka waday isna arrimahaa kama warrami karo oo isaga waa la soo kiraystay hadday cidi cabanaysona waxaa cban lahaa cidda uu u raran yahay markaa waxaan leeyahay warbaahintana iska hubiya wararka oo waydiiya cidda warku quseeyo, shirkadaha shidaalka keenaa way noo wada siman yihiin waanan u wada adeegnaa waanan wada shaqaynaya cid si gaar ah loo cunsuriyadeeyo iyo sifo la isku dhaafiyo midna ma jirto laakiin labada qodob ee aan sheegay ayuu markabkaasi u xanniban yahay,markuu waraaqda wasaaradda ganacsiga soo qaato weel loogu shubana loo helo waa laga shubaya wax kale oo uu u xanniban yahayna ma jiro.”ayuu yidhi Maareeye Xasan Axmed Ibraahin.

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here