Tiro Cusub oo Covid19 oo Laga Helay Hargeysa

0
732

Hargeysa – (Xogsoornews.com) – Warbixinta maalinlaha ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa lagu shaaciyey tiro 5 qof ah oo cusub oo laga helay xannuunka Covid19 gaar ahaana gobolka Maroodi-jeex.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta Saxaafadda siiyey War-bixinta Maalin laha ah ee la xidhiidha Cudurka Covid_19 ayaa sheegay in 5 Qof oo cusub laga helay xanuunka, taasi oo tirada Dadka uu Xanuunku soo ritay gudaha Somaliland ka dhigaysa 48.

 

Xanuunka Covid19 illaa hadda waxaa u dhintay 5 qof, waxaa ka bogsaday 6 qof. Dadka uu xanuunkani ku dhacay ayaa da’doodu u dhaxeysaa 33 ilaa 70 jir.

5 tan qof ee cusub ee maanta laga helay ayaa ah ragg.

Xogsoornews.com

Xogsoormedia

Xogsoormeida24@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here