(Xogsoornews.com):- ALLE ha u naxariistee waxaa xalay goor dambe ku geeriyooday cisbtaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska Abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka,
Alle ha u naxariistee Abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen Xudaydi,ayaa lafdhabar ka ahaa fanka Soomaalida,waxaanu tiir dhexaad ka soo ahaa bilawgii fanka Soomaaliga.
Axmed Ismaaciil Xuseen Xudaydi,dadka geeridiisa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Abwaan Siciid Saalax Axmed,Fannaanadda Hibo Maxamed iyo Ayaan Maxamuud Cashuur.
Maalmihii u danbeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaal London, isga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka.
Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaanu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii aanu ka soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida
Xogsoornews.com
Hargeysa Somaliland