Hargeysa (Xogsoornews.com):- Guddiga heer Qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa,war ka soo saartay dadka Somaliland ku iman kara socdaaka diyaaradeed isla markaana shaacisay dalal rakaabka ka yimaadda aanay ka soo degi karin Somalilannd madaaradeeda.
Gudida ayaa sheegtay in ay joojiyeen dadka ka imanaya waddamada Yurub iyo waqooyiga dalka Maraykanka oo cudurkaasi si xawliya ugusii fidaayo
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer Qaran ee u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga cudurka Coronavirus, Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici , ayaa sheegay in laga bilaabo 30-ka bishan March oo ku began maanta la joojiyey dadka ka imaanaya Qaaradda Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka.
“Guddidu waxay qiimayn ku samaysay Rakaabka ka imanaya dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka ee u soo safraya Somaliland, oo laga cabsi qabo in qaar ka mid ah rakaabkaasi ay qabaan xannuunka Covid-19. Sidaasi darteed guddidu waxay go’aamiyeen, in laga bilaabo maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 30 bisha seddexaad aanay dalka u soo safri karin rakaab ka imanaya dhammaan dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka. waxana dhammaan diyaaradaha Somaliland yimaada lagu wargelinyaa in aanay rakaab ku soo socda Somaliland aanay ka soo qaadi karin dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka” ayaa lagu yidhi War-murtiyeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka oo soo gaadhay Xogsoornews.com
Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Xogsoornews.com
Hargeisa Somalilan