Hargeysa(Xogsoornews.com):- Shirkadda Dahabshiil,ayaa macamiisheeda u gudbisay farriin u sahlaysa siday eheladu isugu soo diri karaan lacagaha iyadoo laga taxaderayo xannuunka Covid-19,ee uu keeno caabuqa Corona Virus.
War-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda Dahabshiil,ayaa u dhignaa sidan “Waxaanu la dareennahay Macaamiisha Dahabshiil ee Daafaha dunidda ku nool, iyo warwar-ka ay ka qabaan xanuunka (Covid-19) oo aad ugu fidaya adduunyadda oo dhan iyo sidii ay eheladooda iyo asxaabtooda u gaadhsiin lahaayeen Lacagihii ay u diri jireen.
Sidaa daraadeed, waxaanu Macaamiisha Dahabshiil la socodsiinaynaa in Lacagaha aad eheladiina u soo diraysaan aad ka soo diri kartaaan Mobile App-ka Talkremit (www.talkremit.com) idinka oo Jooga Guryihiina.
Shirkadda Dahabshiil Waxay sidoo kale ku wargelinaysaa macaamiisheeda joogta dalka gudihiisa in lacagaha loo soo diro ay ku heli karaan Mobile-kooda iyaga oo jooga guryahooda. Sidaa awgeed macmiil fadlan la wadaag ehelkaaga iyo asxaabtaada Lambarkaaga Somtel ee leh adeega eDahab si lacagta laguu soo dirayo aad ugu hesho mobile-kaaga.
Shirkaddu waxay ku dedaalaysaa inay laban-laabto dedaalkeeda adeeg-bixineed Wakhtigan adag ee lagu jiro, si aanu u xaqiijino in dhammaan macaamiishayadu ay degdeg u helaan lacagaha ay u soo dirayaan eheladooda iyo asxaabtoodu.
Shirkadda Dahabshiil waxa ay macaamiisheedda ku waaninaysaa inay ku dadaalaan ilaalinta nadaafadooda iyo inay raacaan dhamaan talooyinka iyo talaabooyinka caafimaad ee lagaga hor tagayo xanuunkan (Covid-19).
Waxaad kala socon kartaan si joogta ah wixii kasoo kordha xaallada Xanuunka iyo adeegyadda Dahabshiil Degelkayaga (https://www.dahabshiil.com). ILLAAHAY waxa aanu ka rejaynaynaa inuu inna hareer mariyo masiibadan caafimaad (Aamiin).”
War-saxaafadeedka ayuu ku saxeexnaa
Sacad Muse Abdi
Marketing & PR Manager
Xogsoornews.com
Hargeisa Somaliland