Hargeysa(Xogsoornews.com):- dal ka mid ah dalalka qaarada Yurub ,ayaa noqday dalkii ugu dhimashada badnaa xannuunka Corona Virus-ka ee caalamka sida wayn ugu faafay waxaanu ka dhimasho batay dalkii uu ka bilaabmay xannuunkaasi ee Shiinaha.
Xanuunka corona ayaa dalka Talyaaniga ku dilay dad ka badan inta uu ku dilay dalalka kale ee caalamka, kadib markii maalin keliya ay dalkaas ku dhinteen dad gaadhaya 427 qof.
Tirada dhimashada ee dalkaas ayaa haatan mareysa 3,405, taas oo ka badan tirada dadka ku dhintay dalka Shiinaha oo ah halka markii hore uu ka bilawday.
Dalka Shiinaha ayaa waxaa xanuunkaas ugu dhintay 3,245 qof balse waxaa su’aal la gelinayaa sax ahaanshaha tiradaas, maadaama aanay jirin cid si madaxbanaan u xaqiijin karta.
Dhammaan shacabka dalka Talyaaniga ayaa lagu amray in ay guryahooda ku negaadaan.
Inkastoo ay jiraan tallaabooyin ay soo rogtay dowladdu, haddana waxaa lasoo sheegay in ay jiraan dad wali u dhimanaya xanuunka, waxaana guud ahaan corona caalamka ugu geeriyootay dad gaadhaya sagaal kun oo qof.
Dowladda Shiinuhu waxay sheegtay in aanay jrin kiisas cusub oo lagu arkay gudaha dalkaas balse ay jiraan dad qaba xanuunka oo Shiinaha uga yimid dibadda.
Haseyeeshee tirada dadka uu ku dhacay xanuunka ayaa aad uga badan tan Talyaaniga oo dalkaas waxaa uu xanuunka haleelay 81 kun, halka Talyaanigana uu marayo 41,035.
Xogsoornews.com
Hargeisa Somaliland