Hargeysa(Xogsoornews.com):- Xukuumadda Somaliland ayaa joojisay bixinta ruqsad siinta iyo bixinta kalluumaysiga,wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somalland,ayaa caddaysay in ay joojisay bixinta ruqsadda kalluumaysiga
Wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed,ayaa sheegay in ay joojiyeen guud ahaan bixinta ruqsadda Kalluumaysiga isla markaana ay dib u eegis ku samayanayaan maraakiibta kalluumaysi ee xaalunaya badda.
Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi”Waxaa aanu go’aansaney marka aanu ogaano waxaa Badda inoogu jira ee inoo iibgalaya iyo sida aynu u ilaashaneyno kalluunkeena ka yar ama dabar go’aya wakhtiga la xidhiyo iyo wakhtiga la qaadayo waxaa aanu go’aan ka soo saarney in aanan cid danbe heshiis la gelin, shuruucdii lagu xakameynayay Maraakiibtan kheyraadka baabi’iya waxna wey diyaarsan yihiin waxna waanu wadnnaa, ilaa aanu dhammeystirno heshiiskii lala galayey, anaga oo u eegeyna gobolka sida Kenya, Eritrea, Jabuuti in aanu sicirkii ogaano oo aan aheyn mid aynu kaga sareyno suuqa.”
Xogsoornews.com
Hargeisa Somaliland