Soomaaliya oo Sheegtay in  ammaanka Dalkeeda Lagu   soo Duulay

0
532

Muqdisho (Xogsoornews.com):- Soomaaliya,ayaa sheegtay in ammaankeeda lagu soo duulay isla markaana dalka  Soomaaliya cir iyo dhulba laga soo galay

 

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xassan Xijaar oo maanta ka hadlayay kulan ka furmay magaalada Muqdisho ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in ciidanka booliska Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonku in ay wada shaqeeyaan.

”Waxaad moodaa in hadda Amniga dalka lagu soo duulay, Ama xuduudda halaga soo galo, ama diyaarado halagu yimaadee dalkeena Amnigiisa waa lagu soo duulay, Amniga dalka meel xunbuu marayaa, kaamirooyinkii lagu xidho waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaadhay, dalka  horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa  la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu yidhi Jen.  Xijaar

Hadalka Taliyaha booliska Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli ay xaaladi ka taagan tahay xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kiiniya isla markaana Soomaaliya ciidamo badan ay geysay gobolka Gedo halkaas oo dhanka Kiiniya ee xuduudka Mandheera iyo Buulo Xaawo ay isku hor fadhiyaan ciidamo ay kala hoggaaminayaan saraakiil ciidan oo ka tirsan millatariga Soomaaliya iyo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan ka baxsaday xabsi Muqdisho ah oo xukuumadda Soomaaliya uu ugu xidhnaa.

Inkasta oo aanu taliye Xijaar sheein cidda ku soo duushay ammaanka Soomaaliya hadana hadalkiisu wuxuu ahaa mid ku soo beegmay xaaladda colaadeed iyo dhaqdhaqaaqa millatari ee ka jira Gobolka Gedo

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here