Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo Kulan Gaar ah ku Wada Yeeshay Addis-ababa

0
553

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Madaxweyneyaasha   Somaliland iyo Soomaaliya   Muuse Biixi Cabdi iyo  Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa galabta ku kulmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Kulanka labada hoggaamiye oo ka qabsoomay xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya Aby Axmed,ayaa la sheegay in uu qaatay muddo saacad ku dhaw isla markaana ay labada Madaxweyne kulankooda keli ku ahaayeen oo aanay midna kala qayb gelin weftiyada wasiirada ah ee ay kala hoggaaminayeen.

 

Ilo lagu kalsoon yahay oo ay la hadashay idaacadda VOA ayay sheegtay inay u   xaqiijiyeen inay labada hoggaamiye ku kulmeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Illaa hadda ma cadda qodobada ay ka wada hadleen.

Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland  dib u dhaceen.

Xigasho VOASomali.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here