Delhi(Xogsoornews.com):- Nin u dhashay dalka Hindiya oo 25 sano jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay in xeyndaabka safaaradda Mareykanka ee Magaalada Delhi inuu ku kufsaday gabadh yar oo shan sano jir ah.
Wakaaladda wararka ee PTI ee dalka Hindiya ayaa kusoo warrantay in ninkan la xidhay maalmo kahor, kadib markii waalidiinta gabadha ay u dacwoodeen booliska.
Dhakhaatiirta ayaa xaqiijiyay in gabadha la kufsaday, kadib markii baadhitaan caafimaad ay ku sameyeen.
Qoyska gabadha la kufsaday ayaa degenaa xeyndaabka safaaradda, halkaas oo aabaheed uu kamid yahay shaqaalaha ka shaqeeya safaaradda.
Ninkan ayaa la sheegay in gabadha u guri kusoo xidhay, kadib markii uu arkay waalidkeed oo aan joogin.
Gabadha ayaa waalidkeed u sheegtay sida ay wax u dhaceen, waxaana markiiba la geeyay Cisbitaal halkaas oo booliska iyo dhakhaatiirtuba ay xaqiijiyeen in la kufsaday ilmaha yar.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha oo ah darawal in aanu ka shaqeynin safaaradda, balse xeyndaabka dhismaha safaaradda uu kula nool yahay aabihii oo isna kamid ah shaqaalaha safaaradda.
Qoyska gabadha iyo ninka lagu eedeeyay kufsiga ayaa degan dhismayaal ay safaaraddu ugu tala gashay shaqaalaha u shaqeeya.
Safaaradda Mareykanka ee Delhi ayaa ku taala xaafadda Chanakyapuri oo ah aag diblomaasi oo ku taala bartamaha caasimadda, halkaas oo ay degan yihiin safaarado badan.
Dhismaha safaaradda Mareykanka oo aad loo ilaaliyo ayaa ku teedsan dhul dhan 25 hektar, waxaan halkaas ka shaqeeyo shaqaalo u dhashay dalka Hindiya.
Warbaahinta dalka Hindiya ayaa kusoo warramay in qoysaska eedeysanaha iyo gabadha la kufsaday ay aad isu yaqaanaan.
Booliska Delhi ayaa sheegay inay baadhitaan ku wadaan eedeysanaha iyadoo la eegayo xeerka badbaadada caruurta.
Xogsoornews.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Hargeisa Somaliland