Madaxweynaha Somaliland oo Xil ka Qaadis Magacaabis iyo Isku Bedelku Sameeyay Qaar ka mid ah Xukuumadda

0
492

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi,ayaa xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda ku sameeyay xil ka qaadis, magacaabis iyo isku shaandhayn.

Madaxweyne Muuse ayaa xilkii ka qaaday dhawr wasiir oo ka mid ahaa xukuumaddiisa isla markaana magacaabay xubno wasiirro ah oo ku cusub xukuumaddiisa halka uu isku shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah wasirada.

Waxaa ka mid ah xubnaha  uu u magacaabay xilka wasiirnimo waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee hawlahaga guud ee xukuumaddii madaxweyne Rayaale Siciid Sulub Maxaed isla markaana ka mid ahaa xilligan siyaasiyiinta waaawayn ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI

Xubnaha uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,waxaa ka mid ah Siciid Sulub Maxamed oo xilligan ka mid ahaa hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo ay xilligan si wayn siyaasadda isugu hayaan.

 

Wareegto Madaxweyne oo ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland,ayaa u dhignayd sidan.

Wareegto Madaxweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo JSL/XM/WM/222-388/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada.

 

Waxaanay u dhignaayeen wareegtooyinka madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;

Ku:  Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin)

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cismaan Aadan Jaamac

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

 

 

 

Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

 

Ujeeddo: Magacaabid

[Markaan Arkay:              Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

 

 

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

Tir.Magaca

Xilka

 

1.Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

Axmed Maxamed Diiriye Cige

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Siciid Sulub Maxamed Xuseen

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

Saleebaan Yuusuf Cali Koore

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Maxamed Muuse Diiriye Wacays

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha

Mustafe Maxamuud Cali Bile

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada

LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

 

 

 

 

 

 

 

Xogsoornews.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here