Haargeysa(Xogsoornews.com):- Komishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland,ayaa iyagoo aan wali xilkii la wareegin murankii asxaabta iyo xukuumadda ee gudida doorashooyinka ay isku maandhaafsanaayeenna uu taagan yahay waxaa ka dhex qarxay lixda xubnood ee dhawaan loo dhariyay in ay noqdaan gudida doorshooyinka Somaliland khilaafkii ugu korreeyay ka dib markii maanta ay doorteen guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.
Komishanka cusub ee Doorashooyinka qaranka Somaliland,aya maanta doortay Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen ,waxana loo doortay Guddoomiyaha gudida doorashooyinka Cbdirashiid Riyo raac,halka guddoomiye ku xgeenna loo doortay Mustafe Daahir.
Doorashada guddoomiyaha iyo xigeenka gudida cusub ee doorashooyinka Somaliland,ayaa markiibaa muran ka abuurmay waxaana ka soo horjeestay xubinta uu soo magacaabay xisbiga mucaaridka ah ee UCiD Xasan Yuusuf Ducaale,waxaanu sheegay in doorashada maanta la doortay guddoomiyaha cusub in ay ahayd mid gacan ku rimis ah oo aan la filayn.
Waxaanu ku dooday in ay ka bexeen maanta ballan ay u qaadeen gudidii dhex dhexaadinta ka waday xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumadda oo ka dalbaday in aanay wx is doorasho ah in aanay samaynin inta ay gudida dhex dhexaadintu arrimaha lagu muran san yahay ay dhammaynayaan.
Gudida doorashooyinka Somaliland oo sharcigu dhigayo in ay ahaadaan 7 xubnood ayaa xilligan ah lix xubnood oo ay soo kala magacaabeemn 3 Madaxweynajha Somaliland soo xulay,laba xubnood oo ay soo xuleen golaha guurtida Somaliland iyo xubin uu soo xulay xisbiga mucaaridka h ee UCID,halka ay maqan tahay xubintii uu soo magacaabay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI taas oo u maqan sabab dhanka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uu ku hakiyay xubintiisa ka dib markii uu saluug ka muujiyay xubno ka mid ah xubnah gudida doorashooyinka uu u soo xulay madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Gudidan markii ugu horraysay iyagoo aan xilkiiba la wareegin khlaafkoodu uu bilaabmay ayaan la garanayn siday u wda hawl gali doonaan.
Halkan ka daawo Guddoomiyaha cusub ee gudida doorashooyinka loo doortay oo ka dareen celiyay xilka loo doortay
Xogsoornews.com
Xogsoormedia24@gmailcom
Hargeisa Somaliland