Xildhibaan  ku  Baaqay in  Tallaabo  Laga Qaado  Dadka    Qaranka ka Faafiya Dacayadaha Beenta ah.

0
431

Hargaysa(Xogsoornews.com):-Guddoomiyaha   Gudida  Difaaca  Sirdoonka iyo  Amniga ee  Golaha   Wakiilada  Somaliland  Cabdikariim Aw Cali   Shabeel  ayaa  ugu  baaqay  Xukuumadda  in talLaabo sharciga  waafaqsan  laga qaado dadka    caadaystay  dalka inay ka   fidiyaan  Dacayaadaha   aanay  waxba ka jirin.

Cabdikariim  Aw Cali  Shabeel,ayaa intaa ku daray in ay jiraan dad qurbe joog ah oo dalka dibeddiisa ku sugan oo faafiya warar dacayad ku ah qaranka Somaliland oo aan jirin.

Cabdikariim  Aw Cali  Shabeel  oo  u  Warramayay Wargayska   Dawan  oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi.“Xaaladda   guud ee dalku maanta  maalin ay    ka  Wanagsantahay    ma jirto laakiin  waxa jira  qaar ka mid ah dadka  dalka   dibeddiisa   ku sugan, gobol  kasta  haka  tagaane oo ah   kuwa faafinaya  daacaayado  aanay  waxba ka jirin oo  raqiis ah  oo ay ka fidiyaan  waddanka Somaliland.waxaanad  mooddaa  in  aanay   waddanka lahaynba waxa kale  oo jira dad warxun   fidinaya   oo dacaayado    Qabyaalad  ku  salaysan oo  aan  waxba u tarayn  dad iyo dalba  waxaanay  waxyeelo ku leeyhiin  Sumcada  iyo  Qarannimada  Somaliland  waana in  Xumuumaddu  tallaabo  Sharciga waafaqsan ka qaado.”.

Sidoo  kale   Xildhibaanku  ayaa  waxa  uu sheegay    in  dalka  dib u dhac uu ku keenayo  Salaadiinta  iyo  odayaaal  dhaqameedka ka hadlaya  Siyaasada.Waxaana  uu yidhi

“Maalin walba  Suldaan iyo  oday  aan  Siyaasada  waxba ka ogayn  ayaa  meel walba  ka  hadlaya  markaa  waxa  Xukuumadda   aan ku boorrinaynaa  in tallaabo  adag  laga  qaado  dadka  caynkaas ah,Shacabka   Somaliland  waxa  aan usoo  jeedinayaa  in aanay dheg u dhigin  dadka  caynkaas  ah  ee  Qaran dumisnimada  wada  waxaasina  dib u dhac ayuu ku keenayaa  dalka waana in aan  dadka naxli la galin oo  dadka dhexdiisa  nacayb lagu kala dhex abuurin  fidmo  in la abuuro maaha,”.

Dhinaca   kale  Xildhibaanku  ayaa   waxa uu  faahfaahin ka bixiyay  kulamo    Gudida  Difaaca  Sirdoonka iyo Amniga  ee Golaha  Wakiilada     dhawaan  la  soo  yeesheen  gudiyada  Nabedgalyada ee Gobalka Awdal.waxaana  uu  yidhi“Sida  xaqiiqda  ah waxaanu  socdaal ku tagnay  Gobolka Awdal gaar ahaan  Magaalada  Boorama waxaanan la  kulanay  Gudida  Nabedgalyada ee Gobalka  Awdal,waxaa kale  oo aanu la kulanay  Masuuliyiin kale arimihii  aanu  ka wada hadalnay iyo  xogwarankii  aanu la soo yeelanay  waxaanu  u gudbin doonaa  Golaha  Wakiilada iyo  Qaybaha ay khusayso  arrimaha  Nabedgalyada  ee  Masuuliyiinta  Qaranka  waxa kale  oo aanu ku talo jirnaa in   aanu  safar  ugu  baxno  gobalada kale  ee dalka,”.

 

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here